Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Qorsheynta oo la kulmay Marina Walter oo ka socotay UNDP

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Wasiirka Qorsheynta oo la kulmay Marina Walter oo ka socotay UNDP
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Ku-Xigeenka Agaasime Goboleedka UNDP ee Dalalka Carabta, Marina Walter. Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Qorsheynta, ayaa waxa uu ahaa mid muhiim u ah xoojinta iskaashiga qotada dheer ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo UNDP.

Wasiirka oo ku soo dhaweeyay Marina Walter Soomaaliya iyo Wasaaradda, ayaa xusay in UNDP ay tahay saaxiib istiraatiiji ah oo muhiim u ah horumarinta Soomaaliya. Waxa uu uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee UNDP ay ku bixiso mashaariicda horumarinta dhaqaalaha iyo bulshadda, iyo sidoo kale ka qayb-qaadashada dib-u-habaynta Qorshayaasha Horumarinta Qaran.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Wasiir Beenebeene iyo Marina Walter ayaa diiradda saaray sidii loo dardargelin lahaa horumar waara iyo sidii loo heli lahaa dhaqaale dheeri ah oo lagu taageero mashaariicda dowladda ee la xiriira horumarinta. Waxay isku raaceen in iskaashiga joogtada ah uu fure u yahay gaarsiinta Soomaaliya guulo waaweyn oo dhinaca horumarinta ah.

Wasiirku waxa uu ku nuuxnuuxsaday in xogta ay muhiim u tahay qorsheynta iyo go’aan gaarista saxda ah. Waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta awoodda tirakoobka iyo xog uruurinta ee Wasaaradda Qorsheynta, si loo xaqiijiyo qorshayaal wax ku ool ah oo ku saleysan xog sugan. Waxay UNDP ka codsadeen inay sii wadaan taageerada ay ka geystaan arrintan.

Intii uu socday kulanka, Wasiirku waxa uu carabka ku adkeeyay in xilligan Xukuumadda DanQaran diiradda saareyso sidii loo soo jiidan lahaa maalgashiyo caalami ah, si loo abuuro shaqooyin looguna dhiirrigeliyo dhalinyarada. Waxa uu UNDP ka codsaday inay gacan ka geystaan hagaajinta jawiga maalgashiga iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirku waxa uu si gaar ah uga hadlay arrinta barakacayaasha gudaha, isagoo xusay in Soomaaliya ay dejisay Qorshaha Qaran ee Xal-u-helidda Barakacayaasha (Solutions Pathway Action Plan) oo loogu talagalay in 1 milyan qof laga saaro xaaladda barakaca. Iskaashiga UNDP ayaa muhiim u ah fulinta qorshahan iyo gaarsiinta barakacayaasha xal waara oo kor u qaada noloshooda.

Marina Walter ayaa dhankeeda xaqiijisay in UNDP ay ka go’an tahay sii wadista taageerada ay u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, nabad-dhisidda, iyo taageeridda barakacayaasha. Kulankan ayaa ahaa mid muhiim ah oo dhidibada u aasaya iskaashi qoto dheer oo waara oo ku saleysan yoolalka wadaagga ah ee Soomaaliya iyo UNDP.

Waxaa lagu go’aamiyay in la sii wado wada shaqeynta iyo in laga wada shaqeeyo dhammaan arrimaha istiraatiijiga ah ee lagu horumarinayo qaranka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, iyo nabadda.



 

Previous Post

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka oo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Turkiga

Next Post

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay qado sharaf uu Ra’isul Wasaaraha sameeyay

Next Post
Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay qado sharaf uu Ra’isul Wasaaraha sameeyay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay qado sharaf uu Ra’isul Wasaaraha sameeyay

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In