Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Qorsheynta oo la kulmay Marina Walter oo ka socotay UNDP

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Qorsheynta oo la kulmay Marina Walter oo ka socotay UNDP
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Ku-Xigeenka Agaasime Goboleedka UNDP ee Dalalka Carabta, Marina Walter. Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Qorsheynta, ayaa waxa uu ahaa mid muhiim u ah xoojinta iskaashiga qotada dheer ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo UNDP.

Wasiirka oo ku soo dhaweeyay Marina Walter Soomaaliya iyo Wasaaradda, ayaa xusay in UNDP ay tahay saaxiib istiraatiiji ah oo muhiim u ah horumarinta Soomaaliya. Waxa uu uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee UNDP ay ku bixiso mashaariicda horumarinta dhaqaalaha iyo bulshadda, iyo sidoo kale ka qayb-qaadashada dib-u-habaynta Qorshayaasha Horumarinta Qaran.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Wasiir Beenebeene iyo Marina Walter ayaa diiradda saaray sidii loo dardargelin lahaa horumar waara iyo sidii loo heli lahaa dhaqaale dheeri ah oo lagu taageero mashaariicda dowladda ee la xiriira horumarinta. Waxay isku raaceen in iskaashiga joogtada ah uu fure u yahay gaarsiinta Soomaaliya guulo waaweyn oo dhinaca horumarinta ah.

Wasiirku waxa uu ku nuuxnuuxsaday in xogta ay muhiim u tahay qorsheynta iyo go’aan gaarista saxda ah. Waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta awoodda tirakoobka iyo xog uruurinta ee Wasaaradda Qorsheynta, si loo xaqiijiyo qorshayaal wax ku ool ah oo ku saleysan xog sugan. Waxay UNDP ka codsadeen inay sii wadaan taageerada ay ka geystaan arrintan.

Intii uu socday kulanka, Wasiirku waxa uu carabka ku adkeeyay in xilligan Xukuumadda DanQaran diiradda saareyso sidii loo soo jiidan lahaa maalgashiyo caalami ah, si loo abuuro shaqooyin looguna dhiirrigeliyo dhalinyarada. Waxa uu UNDP ka codsaday inay gacan ka geystaan hagaajinta jawiga maalgashiga iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirku waxa uu si gaar ah uga hadlay arrinta barakacayaasha gudaha, isagoo xusay in Soomaaliya ay dejisay Qorshaha Qaran ee Xal-u-helidda Barakacayaasha (Solutions Pathway Action Plan) oo loogu talagalay in 1 milyan qof laga saaro xaaladda barakaca. Iskaashiga UNDP ayaa muhiim u ah fulinta qorshahan iyo gaarsiinta barakacayaasha xal waara oo kor u qaada noloshooda.

Marina Walter ayaa dhankeeda xaqiijisay in UNDP ay ka go’an tahay sii wadista taageerada ay u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, nabad-dhisidda, iyo taageeridda barakacayaasha. Kulankan ayaa ahaa mid muhiim ah oo dhidibada u aasaya iskaashi qoto dheer oo waara oo ku saleysan yoolalka wadaagga ah ee Soomaaliya iyo UNDP.

Waxaa lagu go’aamiyay in la sii wado wada shaqeynta iyo in laga wada shaqeeyo dhammaan arrimaha istiraatiijiga ah ee lagu horumarinayo qaranka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, iyo nabadda.



 

Previous Post

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka oo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Turkiga

Next Post

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay qado sharaf uu Ra’isul Wasaaraha sameeyay

Next Post
Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay qado sharaf uu Ra’isul Wasaaraha sameeyay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay qado sharaf uu Ra’isul Wasaaraha sameeyay

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In