Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Qorsheynta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Qorsheynta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamuud Cabdi Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin Johansson.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay horumarada laga sameeyay Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP/NTP), iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyo qaab-dhismeedka deeqaha ee Soomaaliya.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Kulanka ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay kaalinta ay Midowga Yurub ku leedahay taageerada deeqaha gargaarka iyo mashaariicda horumarinta ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadgelyada, maamul wanaagga, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Wasiirka ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimada uu leeyahay iskaashiga joogtada ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, isagoo hoosta ka xariiqay in qaab-dhismeedka deeqaha ee hadda jira uu yahay mid fure u ah kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.

Waxaa sidoo kale laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac, si loo hubiyo in deeqaha iyo taageerada Midowga Yurub si habsami leh loogu isticmaalo mashaariicda wax ku oolka ah ee wax ka beddeli kara nolosha bulshada Soomaaliyeed.

Labada dhinac waxay isla garteen in la sameeyo habab cusub oo lagu kormeero laguna qiimeeyo saameynta deeqaha, si loo hubiyo in ay gaaraan yoolalka loogu talo galay.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa si wadajir ah u muujiyeen sida ay muhiimka u tahay in la sii wado iskaashiga istiraatiijiga ah si loo xaqiijiyo horumar waara oo Soomaaliya gaarta, iyadoo la isku halleynayo taageerada joogtada ah ee Midowga Yurub.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in dowladdu ay ka go’an tahay hirgelinta mashaariicda waxtarka leh ee deeqaha lagu maalgeliyo, si loo gaaro yoolalka qaran ee horumarinta.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Safiirka Dowladda Talyaaniga 

Next Post

Wasiirka Caddaaladda oo sagootiyay sharci yaqaanno waxbarasho ka helay dalka Turkiga

Next Post
Wasiirka Caddaaladda oo sagootiyay sharci yaqaanno waxbarasho ka helay dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda oo sagootiyay sharci yaqaanno waxbarasho ka helay dalka Turkiga

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In