Saturday, March 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Qorsheynta oo la kulmay wafdi ka socday Bankiga Horumarinta Afrika “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Qorsheynta oo la kulmay wafdi ka socday Bankiga Horumarinta Afrika “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa maanta kulan la qaatay wafdi ka socday Bangiga horumarinta Afrika oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa inta badan diiradda lagu saarayay Dhamaystirka Warbixinta Istaraatiijiyadda Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya 2022-2024.

Kulanka ayaa sidoo kale looga dooday gogol-dhigga Qorshaha Cusub ee Istaraatiijiyadda Dalka 2025-2029, kaas oo la jaan-qaadaya mudnaanta Qaranka Soomaaliya iyo Qorshaha Casriyaynta Dowladnimada ee Xukuumadda Dan-Qaran si loo helo horumar waara iyo barwaaqo. Istiraatijiyadda dalka ayaa taabanaysa dhinacyo kala duwan sida horumarinta dhaqaalaha, xasilloonida, iyo horumar joogta ah.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee dalka Mareykanka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee dalka Mareykanka

March 14, 2026
Ciidanka NISA oo war kasoo saaray hawlgal lagu dilay xubno iyo horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka NISA oo war kasoo saaray hawlgal lagu dilay xubno iyo horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 14, 2026

Wasiir Beenebeene ayaa intii uu kulanka socday waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sida hagar la’aanta ah ee uu Bangigu ula shaqeeyo dowladda Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale qiray dadaalka bankiga uu ugu jiro horumarinta kobaca dhaqaalaha dalka, kuwaas oo lagama maarmaan u ah hiigsiga fog ee Soomaaliya. Kulanka ayaa ahaa mid isfaham iyo miro dhal kusoo dhamaaday, waxaana labada dhinac ay isku aragti ka ahaayeen mustaqbalka Soomaaliya.

Wafdiga ayaa ugu danbayntii kulan heer farsamo ah la qaatay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda QMHDH, Mudane Maxamed Shire iyo qaar ka mida Agaasimayaasha Waaaxaha waxa ayna si mug leh u eegeen natiijooyinkii warbixinta oo ay ku jireen falanqayn lagu sameeyay waxyaabihii u qabsoomay, caqabadaha iyo casharrada laga bartay hirgelinta istiraatijiyadda.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Next Post

Xukuumadda oo meel marisay heshiis shidaal qodis ah oo Turkiga lala galay

Next Post
Xukuumadda oo meel marisay heshiis shidaal qodis ah oo Turkiga lala galay

Xukuumadda oo meel marisay heshiis shidaal qodis ah oo Turkiga lala galay

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee dalka Mareykanka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee dalka Mareykanka

March 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa faahfaahin ka bixiyay qaraar uu meel mariyay Baarlamaanka gobolka...

Ciidanka NISA oo war kasoo saaray hawlgal lagu dilay xubno iyo horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka NISA oo war kasoo saaray hawlgal lagu dilay xubno iyo horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu beegsaday maleeshiyaad iyo...

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 14, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Qaadaysa Tallaabo Muhiim ah oo ay Kaga Mid Noqonayso Silsiladaha Caalamiga ah ee Macdanta Muhiimka ah

March 13, 2026
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo loo marayo Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta, ayaa saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In