Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka qorsheynta oo qurbo joogta ku booriyay inay ka qeyb qaataan horumarka dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiir Ceynte “Waxaa hadda la sameeyay hanaan wadatashi ah oo sadex bolood socondoona”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Ceynte ayaa ka qeyb galay qalab caafimaad oo gabar Soomaaliyeed oo ku nool dalka dibadiisa ay ugu talagashay in loogu adeego bulshada ku nool deegaannada Maamulka Galmudug, ku soo bandhitay Muqdisho.

Dahraan Muuse Xaashi ayaa xustay in ay dadaal dheer ku bixineyso sidii ay uga qayb qaadan lahayd taakuleynta iyo garab istaaga Ummadda Soomaaliyeed ee mudada dheer dhibaatooyinka ku jirtay, waxaana ay sheegtay in ay ku simi doonto madaxda maamulka Galmudug si markaas uu si sharci ah u gaarsiiyo dadka loogu talo galay.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026

Dahraan Muuse ayaa sheegtay in qalabkan uu yahay mid loogu adeegi doono bulsho Soomaaliyeed.

“Sidaad arkeysaanba kunteenarbaan hadda dekada ka soo bixinay saaka saan u adnay labo saac oo subax nimo ilaahbaa noo soo fududeeyay,  waxaan rabnaa in aan Soomaaliya goboladeeda qaar gaarsiino  qof walba oo Soomaali ahna dalkiisu waa u baahan yahay  fadlan ka soo qayb qaata”ayay tiri Dahraan.

Gudoomiyaha gobolka Galgaduud  Xuseen Cali Wehliye Cirfo ayaa uga mahad celiyay gabadhaan dadaalkeeda iyo sida ay isugu howshay in ay ka qayb qaadato taakuleynta ummadda Soomaaliyeed, isagoo balan qaaday in halkii ay ugu talo gashay la gaarsiin doono.

“Halkaan waxaa galabta taagan qalab caafimaad  oo hay’adaan Dahraan wamen and Children ay ka keentay dalka Mareykanka looguna talo galay isbitaalada ku yaala gobolka Galgaduud iyo guud ahaan Galmudug,  waxaan dhihi karnaa waa arrin aad iyo aad u wanaagsan”ayuu yiri Cirfo.

Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Ceynte oo goobta ka hadlay ayaa waxaa uu mahad naq balaaran ujeediyay Dahraan iyo dhamaan intii kala qayb gashay in qalabkaan caafimaad uu Soomaaliya soo gaaro, isagoo Soomaalida Qurbaha ku nool ugu baaqay inay ka qayb qaataan wax u qabashada shacabka.

“Maanta waxaan halkaan iskugu nimid in aan ka qayb qaadano taageero aan u fidineyno gabar walaasheen ah oo dadkii qurbaha ka soo laabtay ah oo Dahraan Muuse la yiraahdo oo qalab caafimaad ka keentay dalka Mareykanka, runtii waa tallaabo ku dayasho mudan”ayuu yiri wasiir Ceynte .

Previous Post

Ururka Haweenka Naafada Soomaaliyeed oo codsaday in la caawiyo naafada

Next Post

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug oo dhaawacyo ku booqday isbitaal Madiina

Next Post
Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug oo dhaawacyo ku booqday isbitaal Madiina

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug oo dhaawacyo ku booqday isbitaal Madiina

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In