Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta guddoonsiiyay sarakiisha dhiirigelinta maalgashiga shahaado lagu soo afmeeray tabobar dhanka dhiirigelinta, fududeynta iyo taageerada Maalgashiga shisheeye, kaas oo looga gol-lahaa sare u qaadidda karaanka, aqoonta iyo xirfadda sarakiisha dhiirigelinta maalgashiga (shaqaalaha SOMINVEST iyo kuwa Dowlad Goboleedyada/Gobolka Benadir).
Waxa ka faaโiideystay 15 howladeen barnaamijkan oo ay taageertay IFCโ garabka maalgashiga ee Bangiga Adduunka, sida ku xusan heshiiska iskaashiga ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo IFC.
Tabobarkan oo socday muddo labo sano ah ayaa daarna in sare loogu qaado guud ahaan karaanka sarakiisha maalgashia, si ay u kordhiyaan una soo jiitaan maalgashi shisheeye ee uu waddanku u baahanyahay.