Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa maanta kulan miro dhal ah kula qaatay magaalada Muqdisho Wakiilka Bangiga Addduunka ee Soomaaliya, Kristina Svensson, waxaana ay ka wada hadleen akhbaarta farxada leh ee ku saabsan barnaamijka deyn cafinta ee Soomaaliya oo mardhow la filayo in dalka laga cafiyo.
Kulanka waxaa sidoo kaleย lagu qaadaa dhigay xoojinta wada shaqeynta Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Bangiga Adduunka ee dhinacyada qorsheynta iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunka ka wado gudaha Dalka Soomaaliya.