Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada oo Geneva kusoo bandhigay halka uu marayo barnaamijka daryeelka Bulshada ee DFS

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada oo Geneva kusoo bandhigay halka uu marayo barnaamijka daryeelka Bulshada ee DFS
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane; Saddiiq Xersi Warfaa,ayaa sheegay in Dowladda federaalku ay dedaallo lixaad leh ugu jirto in si isku mid ah loo gaarsiiyo Bulshada Soomaaliyeed barnaamijka daryeelka Bulshada oo waara.

Mudane; Warfaa oo khudbad ka jeediyay shirka Caalamiga ah ee looga hadlayo arrimaha daryeelka bulshada oo ay soo qaban qaabisay hay’adda shaqaalaha Adduunka ee ILO, kaa oo ka socda magaalada Geneva ee Dalka Switzerland ayaa ku nuux-nuuxsaday juhdiga ay Dowladdu ku bixineyso taabba gelinta barnaamijkan iyo ka Mira dhalintiisa.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

“Iyadoo aynu taageero ka heleyno Bah-wadagteenna horumarinta, waxaan billownay qaar ka mid ah mashaariicda horumarinta ee aad muhiimka u ah, si aan u hirgalinno nidaamka daryeelka Bulshada oo waafaqsan xeerka daryeelka Bulshada ee Qaranka, marka laga hadlayo awoodda maaliyadeed, waxaan ku faraxsan-nahay in July 2019-ka -Guddiga fulinta ee hay’adda Lacagta Adduunku (IMF) ay kulmeen si ay u soo gaba-gabeeyaan la tashiga qodobka 4-aad ee ku saabsan Soomaaliya, waxayna ku heshiiyeen in siyaasadaha dhaqaalaha iyo qaab-dhismeedkeeda ee hoosta looga qeexay SMP- Afaraad ay buuxiyeen heerarka siyaasadaha ee la xiriira qorsheynta deynta. “ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa sheegay in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha tubtiisa horumarinta Bulshada iyo dhaqaalaha ay horay u muujiyeen in maal-gashiga waaxaha Bulshada, gaar ahaan daryeelka Bulshada iyo Biyaha ay heli doonaan qoondeyn miisaaniyadeed oo ballaaran, ka dib deyn cafinta.

Wuxuu rajo wanagsan ka muujiyay dedaallada socda ee deyn cafinta ee guulaha laga gaaray inay dhammeystirmaan , taas oo uu sheegay inay horseedeyso horumar dhaqaale iyo isku filnaasho uu dalku gaaro.

“Iyadoo la tixraacayo Siyaasaddeena daryeelka Bulshada ee Qaranka, Dowladda Soomaaliya waxaa si buuxda uga go’an inay horumariso hannaan daryeelka Bulsho ee waara ,waxaannu ka faa’iideysan doonnaa dhammaan kheyraadka-yaga oo aannu  u adeegsan doonno sidii loo hubin lahaa in la gaaro mabda’a ah ”Cidna inaan laga tagin” iyadoo looga faa’iideynayo marka hore inta nugul.” ayuu yiri Wasiirku.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya Wasiirro, wakiillo iyo hoggaamiyeyaasha Ururro caalami ah, iyadoo Soomaaliya ay ku matalayaan wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada.

Previous Post

Webiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Next Post

Labada Aqal ee BJFS oo maanta kulan ku leh magaalada Muqdisho

Next Post
Labada Aqal ee BJFS oo maanta kulan ku leh magaalada Muqdisho

Labada Aqal ee BJFS oo maanta kulan ku leh magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In