Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada oo kormeeray waaxyaha Wasaaradda “SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada oo kormeeray waaxyaha Wasaaradda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa maanta kormeeray waaxyaha iyo qaybaha xarunta Wasaaradda ee ay ku shaqeeyaan howlwadeennada,iyadoo ay weheliyeen Wasiiru Dawlaha, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, Wasiir ku-xigeenka ,Mudane Cismaan Libaax Ibraahim iyo Agaasimaha Guud, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiirka ayaa inta uu kormeerka ku jiray wuxuu la kulmay Agaasime waaxeedyada iyo howlwadeennada, isagoo u-kuurgalayay shaqooyinka muhiimka u ah bulshada iyo qaranka ee ka socda xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

“Wasaaradan waxay muhiimad u leedahay adeegga bulshada iyo dhammaan shaqaalaha rayidka, waxaanna doonayaa si wadajir ah innaan doorkaa u muujino.” ayuu yiri Wasiir Biixi oo intaa ku daray “ Waxaan dadaal galinaynaa sidii aan u hormarin lahayn waaxyaha iyo howlwadeennada.”

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa sidoo kale sheegay in la joogteyn doono la socodka howlaha shaqo ee waaxyaha Wasaaradda.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa Dawladda mas’uul uga ah horumarinta shaqaalaha rayidka Dawladda, Shaqo abuurka iyo horumarinta Bulshada, si taa loo muujiyo wasaaradda ayaa hirgalisay xarunta Qaran ee adeegga Shaqo Abuur iyo barnaamijyo taageerraya bulshada oo ay ugu horreeyaan kuwa nugul.

Previous Post

Wasiiru Dowlaha W/Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay agaasimeyaasha wasaaradda

Next Post

Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo kormeeray shaqooyinka wasaaradda

Next Post
Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo kormeeray shaqooyinka wasaaradda

Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo kormeeray shaqooyinka wasaaradda

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In