Sunday, January 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo Dhagax-dhigay dib u dhiska dhismaha xarunta Wasaaradda+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo Dhagax-dhigay dib u dhiska dhismaha xarunta Wasaaradda+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta dhagax dhigay dib u dhiska rasmiga ah ee xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

“Wasaaradda maalintii aan xilka la wareegayay, waxay aheyd goob uu dhiig ka daadannayo oo xata laygula taliyay inan goob kale xil-wareejinta ku qabsano, taas waan diidnay, waana dhabar adeygnay, hal maalina shaqada nagama istaagin,  annaga ayaana ka -kabannay oo muraayaadaha iyo xafiisyada dayac tirannay.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa kulan mira-dhal ah la Odoyaasha dhaqanka

Ra’iisul Wasaare Xamsa kulan mira-dhal ah la Odoyaasha dhaqanka

January 18, 2026
Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyadeeysay geerida Marxuum Danjire Cabdinuur Yuusuf

Ministry of Foreign Affairs Extends Condolences on the Passing of Ambassador Cabdinuur Dabaqe

January 18, 2026

” Markii hore ka kabasho ayay aheyd, laakin maanta waxaan dhagax dhignay dib u dhiska rasmiga ah ee wasaaradda,iyada oo aysan deyn noqon doonin dhaqaalaha lagu dhisayo,laguna casriyeennayo.” ayuu ku daray.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxaa kalo uu sheegay wasaaraddan inay muhiim u tahay howlaha shaqo ee dowliga ah, isagoo marka tilmaamay inay wasaaraddan mas’uul ka tahay shaqaalaha Soomaaliyeed, taasina ay ku qasbeyso inay dadaal badan ku bixiyaan sidii xarunta ay ku shaqeynayso ay u noqon laheyd dhisma leh adeegyo casri ah.

Dib u dhiska xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo bur bur xooggan uu ka soo gaaray weerar ay kooxda Al-Shabaab ka geysteen bishii Maarso ee sannadkan ayaa waxaa iska kaashannaya waddamada Sweden iyo Talyaaniga, iyada oo qaab is xil-qaan ah ay dib u dhiska uga qeybqaadannayaan shaqaalaha wasaaradda.

Previous Post

Ra’iisulwasaare Kheyre oo Kormeeray Wasaarado iyo Dekada Muqdisho+Sawirro

Next Post

Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in Ciise Tarabuunuu yahay uu yahay Muwaadin dhameystay Xukun Maxkamadeed.

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo soo dhawaysay Kacdoonka shacka Bakool ee ka dhanka ah Argagixiada

Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in Ciise Tarabuunuu yahay uu yahay Muwaadin dhameystay Xukun Maxkamadeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa kulan mira-dhal ah la Odoyaasha dhaqanka

Ra’iisul Wasaare Xamsa kulan mira-dhal ah la Odoyaasha dhaqanka

January 18, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay odayaasha ku sugan magaalada Laascaanood , oo ka mid...

Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyadeeysay geerida Marxuum Danjire Cabdinuur Yuusuf

Ministry of Foreign Affairs Extends Condolences on the Passing of Ambassador Cabdinuur Dabaqe

January 18, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia extends its deepest condolences on the...

Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyadeeysay geerida Marxuum Danjire Cabdinuur Yuusuf

Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyadeeysay geerida Marxuum Danjire Cabdinuur Yuusuf

January 18, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi rasmi ah u diraysaa geerida Marxuum Danjire...

Ciidamada Qaranka oo soo bandhigay maydadka Khawaarijtii lagu laayay Shabeellada Dhexe

Ciidamada Qaranka oo soo bandhigay maydadka Khawaarijtii lagu laayay Shabeellada Dhexe

January 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay maydadka tiro ka mid ah Khawaarijta iyo hub fara badan oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In