Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Oo Qaabilay Wakiilka  UNICEF

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Oo Qaabilay Wakiilka  UNICEF
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Wafaa ElFadil Saeed .

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac , dardargalinta dadaallada taageerraya qoysaska abaaruhu saameeyeen iyo ka hortagga macaluusha ee carruurta.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Waddankeenna wuxuu wajahaya xaalad bani’aadanimo oo si isku mid ah u saameysay Dalka oo dhan, si xaaladdaa looga jawaabo , waxaan howlgalkeenna isugu geynay taageerrada Bulshada gaar ahaan kuwa nugul.” Ayuu yiri Wasiir Biixi oo sidoo kale boggaadiyay howlgalka UNICEF.

Wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Wafaa ElFadil , ayaa dhankeeda uga mahadcelisay Wasiirka , xoojinta iskaashiga , iyadoo inta ku dartay inay ka go’antahay UNICEF horumarinta barnaamijka ay kala shaqeynayaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo taageerrada Bulshada .

Hay’adda UNICEF , ayaa Wasaaradda kala shaqeysa barnaamijka Qaran ee taageerrada Dadka nugul (Baxnaano) , gaar ahaan dhammeystirka nidaamka Xog-kaydiyaha Bulshada (Unified Social Registry), kaa oo hadda ku jira wajigii u dambeeyay.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goob -joog u ahaa ,

Wasiiru Dawlaha, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, Wasiir ku-xigeenka ,Mudane Cismaan Libaax Ibraahim,Agaasimaha Guud, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali, Madaxa barnaamijka Baxnaano, Fardowsa Axmed Cabdullahi iyo xubno ka tirsan hay’adda UNICEF.

Previous Post

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Booqday Isbitaalka Guud ee Beledweyne ” SAWIRRO” 

Next Post

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Oo Booqday Maktabadda AGA

Next Post
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Oo Booqday Maktabadda AGA

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Oo Booqday Maktabadda AGA

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In