Monday, July 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo Doha wada-hadal kula yeeshay dhiggiisa dalka Qatar.

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo Doha wada-hadal kula yeeshay dhiggiisa dalka Qatar.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar , kaddib marti qaad uu ka helay dhiggiisa Qatar, Waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey Wasiirka Horumarinta Maamulka, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dalka Qatar,Yousef bin Mohammed Al Othman Fakhroo, iyada oo wada-hadal ay labada dhinac yeesheen diiradda lagu saaray xiriirka laba geesoodka ee labada dhinac, iyo sidii loo horumarin lahaa loona xoojin lahaa, gaar ahaan dhinacyada shaqada iyo arrimaha bulshada.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa uga mahadceliyay dhiggiisa dalka Qatar marti-qaadka iyo wada-hadallada ay maanta ku yeesheen xarunta Wasaaradda Horumarinta Maamulka, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dalka Qatar.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

July 20, 2026
Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026

“Wada-hadallada aan maanta yeelanay waxay billow u yihiin kullamo soconaya labo maalin ,waana tallaabo lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac.” ayuu yiri wasiir Warfaa.

Wuxuu inta ku daray inta ay socdaan kullamada inuu sidoo kale uu kala hadlayo dhiggiisa dalka Qatar sidii xukuumadda Doxa ay u ballaarin laheyd kootada muwaadiniinta Soomaalida ah ee ka faa’iideysanaya shaqaaleysiinta muddada uu dalka Qatar ka socdo tartanka dalalka ee kubadda cagta (Koobka Adduunka) ee la qabanayo sannadka 2022ka.

Wasiirka Sadiiq Warfaa, ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Qatar ay kala hadlayaan dib u howlgalinta Machadka Horumatinya iyo Maareynta Soomaaliya ee SIDAM, dib u anba qaadidda heshiis ay labada dal galeen sanadkii 1983-dii oo la xiriiray iskaashi shaqo wadaag iyo horumarinta bulshada.

“Waxa aan diiradda saareyno ayaa ah sidii shaqo abuur macno leh waxna tareysa bulshada Soomaaliyeed lagu heli lahaa.” ayuu ku daray.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa sidoo kale muddada uu ku suganyahay Qatar la kulmaya Ra’iisul wasaaraha dalka Qatar,Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani.

Previous Post

Soomaaliya oo ku guulaysatay Gudoomiye ku xigeenka Hay’adda Caalamiga ee Soolarka “Sawirro”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Taliyaha Howl-galka Atlanta Ee Midawga Yurub+Sawirro

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Taliyaha Howl-galka Atlanta Ee Midawga Yurub+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Taliyaha Howl-galka Atlanta Ee Midawga Yurub+Sawirro

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

July 20, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh iyo murugo la wadaagaysaa Jamhuuriyadda...

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026
0

Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Hantiwadaag...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

July 20, 2026
0

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Xisbiga JSP, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

July 20, 2026
0

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi ciyaareed oo gaar ah, iyadoo kumannaan shacab ah ay goobo kala...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In