Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo Doha wada-hadal kula yeeshay dhiggiisa dalka Qatar.

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo Doha wada-hadal kula yeeshay dhiggiisa dalka Qatar.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar , kaddib marti qaad uu ka helay dhiggiisa Qatar, Waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey Wasiirka Horumarinta Maamulka, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dalka Qatar,Yousef bin Mohammed Al Othman Fakhroo, iyada oo wada-hadal ay labada dhinac yeesheen diiradda lagu saaray xiriirka laba geesoodka ee labada dhinac, iyo sidii loo horumarin lahaa loona xoojin lahaa, gaar ahaan dhinacyada shaqada iyo arrimaha bulshada.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa uga mahadceliyay dhiggiisa dalka Qatar marti-qaadka iyo wada-hadallada ay maanta ku yeesheen xarunta Wasaaradda Horumarinta Maamulka, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dalka Qatar.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

“Wada-hadallada aan maanta yeelanay waxay billow u yihiin kullamo soconaya labo maalin ,waana tallaabo lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac.” ayuu yiri wasiir Warfaa.

Wuxuu inta ku daray inta ay socdaan kullamada inuu sidoo kale uu kala hadlayo dhiggiisa dalka Qatar sidii xukuumadda Doxa ay u ballaarin laheyd kootada muwaadiniinta Soomaalida ah ee ka faa’iideysanaya shaqaaleysiinta muddada uu dalka Qatar ka socdo tartanka dalalka ee kubadda cagta (Koobka Adduunka) ee la qabanayo sannadka 2022ka.

Wasiirka Sadiiq Warfaa, ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Qatar ay kala hadlayaan dib u howlgalinta Machadka Horumatinya iyo Maareynta Soomaaliya ee SIDAM, dib u anba qaadidda heshiis ay labada dal galeen sanadkii 1983-dii oo la xiriiray iskaashi shaqo wadaag iyo horumarinta bulshada.

“Waxa aan diiradda saareyno ayaa ah sidii shaqo abuur macno leh waxna tareysa bulshada Soomaaliyeed lagu heli lahaa.” ayuu ku daray.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa sidoo kale muddada uu ku suganyahay Qatar la kulmaya Ra’iisul wasaaraha dalka Qatar,Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani.

Previous Post

Soomaaliya oo ku guulaysatay Gudoomiye ku xigeenka Hay’adda Caalamiga ee Soolarka “Sawirro”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Taliyaha Howl-galka Atlanta Ee Midawga Yurub+Sawirro

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Taliyaha Howl-galka Atlanta Ee Midawga Yurub+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Taliyaha Howl-galka Atlanta Ee Midawga Yurub+Sawirro

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In