Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS oo lagu soo dhaweeyey Gaalkacyo+sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS oo lagu soo dhaweeyey Gaalkacyo+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xildh. Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa  gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,halkaa oo ay si wadajir ah ugu soo dhaweeyeen guddoomiyeyaasha gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug, odayaasha dhaqanka ee gobolka, waxgarad, dhallinyaro, haween iyo qaybaha bulshada.

“Ku soo dhawoow Gaalkacyo oo mid ah,Gaalkacyo oo federaalka hooyo u ah oo jaceyl in dadku isku milmo, hooyooyin, dhallinyaro shacab iyo maamul, waxaan kugu soo dhaweynayn annaga oo mid ah , annaga oo wadajir ah, adiga oo ah xildhibaankeenna ah adiga oo wasiir keenna ah.” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Galmduug , Cabdiraxmaan Cali Diiriye (Isxal).

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Axmed Muuse Nuur, guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa dhankiisa u mahadceliyay dhammaan dadkii ka qaybqaatay soo dhaweynta wasiirka iyo wafdiga uu hoggaaminayay ee saacadaha ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf.

“Wasiir ku soo dhawoow shacabkaagii, waxaan Soomaali inteeda kale ugu faanaynaa inan annaga oo mid ah oo nin walba meesha uu rabo garoonka diyaaradaha ka soo galay aan wasiirkeenna ku soo dhaweynayno Soomaalinimo iyo reer Mudug nimo , aadbaa lagaaga jaceyl yahay waa gobolka aad Xildhibaanka ka noqotay, haddana wasiirbaa noo keentay, waa wax tar waana u mahadcelinayna Ra’iisul wasaarihii inoo-ka doortay, wuxuuna dareemi doonaa maanta Ramadaan bay aheyd dadku sidii aan rabnay uma soo bixin, balse wuxuu dareemi doonaa, nin rag leh inaad tahay dadkiisuna ku kalsoonyihiin.” ayuu yiri guddoomiye Axmed Muuse Nuur.

Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xildh. Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa ugu mahadceliyay si wadajir ah maamulka iyo bulshada gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug, wuxuuna dareen wanagsan ka muujiyay sida wadajirka iyo midnimada leh ee bulshada gobolka Mudug ay ugu soo dhaweeyeen magaalada Gaalkacyo.

“Gaalkacyo waa xuduntii Soomaaliya, waxaana aad iyo aad uga mahadcelinaya maamulka labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland, iyo bulshada gobolka Mudug ee sida wadajirka ah ee igu soo dhaweeyay, anniga waxaan ahay Xildhibaanka guud ee gobolka Mudug, taasna maanta waxaa tusaale u ah sida aad halkan noogu soo dhaweyseen.” ayuu yiri Wasiir Sadiiq Warfaa.

Wasiir Warfaa, ayaa ku boorriyay maamullada Puntland iyo Galmudug iyo bulshada gobolka Mudug inay xoojiyaan midnimada iyo wadajir ah ay muujiyeen, wuxuuna caddeeyay wadajirka iyo nabadda gobolka Mudug inay tusaale u tahay sida uu dalka usoo hagaagayo.

“Gobolka inta ay timid Nabad iyo Nolal, wax dhibaato ah kama dhicin, haddana Rabbi makeenno.. Gaalkacyo oo hagaagta waa Soomaaliya oo hagaagtay, taas oggaada.. dowladda Federaalka ee aan idin ku matalo waxaa ka go’an nabadgalyada iyo horumarintan gobolkan Mudug iyo magaalada Gaalkacyo oo muhiim u ah dalka.” ayuu ku daray wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Sadiiq Warfaa.

Intaa kaddib wasiirka iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa galinkii dambe u ambabaxay degmada Galdogob ee gobolka Mudug,iyada oo ujeeddada booqashada uu ku soo gaaray wasiirka gobolka Mudug ay la xiriirto sidii uu ula soo Ciiddi lahaa bulshada deegaannadii laga soo doortay ee uu ku matalo dowladda dhexe, wuxuuna kullamo la qaadan doonaa odayaasha dhaqanka iyo qaybaha bulshada oo dhallinyarada, haweenka iyo aqoonyahanku ugu horreeyaan.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Kumannaan Shacab ah Salaadda Ciidda kula tukaday Masjidka Isbahaysiga Islaamka.

Next Post

Madaxweyne Waare oo hambalyo u diray shacabka Hirshabeele

Next Post
Madaxweyne Waare oo hambalyo u diray shacabka Hirshabeele

Madaxweyne Waare oo hambalyo u diray shacabka Hirshabeele

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In