Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Shaqada XFS oo Muqdisho ka furay kulan ku saabsan siyaasadda ilaalinta Bulshada+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Shaqada XFS oo Muqdisho ka furay kulan ku saabsan siyaasadda  ilaalinta Bulshada+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay inuu diiradda saarayo sidii guul looga gaari lahaa hayaanka dhimista saboolnimada iyo koritaan loo siman yahay.

“Waxaa sharaf u ah dawladda iyo dadka soomaaliyeed , maanta inan joogno tallaabooyinkii u horreeyay ee aan ku gaareyno isbeddel bulsho,muwaadiniinta nugulna ay gaareyso taageerro uga imaanaysa dawladda” ayuu yiri isagoo maanta muqdisho ka daahfuray kulan la xiriiray siyaasadda ilaalinta bulshada.

Related posts

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026

kulanka ayaa isu keennay xubno sare oo matalayey dawladda federaalka,dawlad-gobolleedyada dalka iyo gobolka banaadir,iyadoo ujeeddadu tahay in fahan qoto dheer laga helo siyaasadda ilaalinta bulshada,lana gaarsiiyo dhammaan bulshada.

“Waxaa muhiim ah inan hoosta ka xariiqno in dawladda federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah inay inta badan dadkeenna soomaaliyeed ee saboolka ah, tabarta daran ay ku xisaabtamayaan ballanqaadkeena iyo dadaalkeenna si aan u hubino siyaasaddan.” ayuu ku daray.

Golaha wasiirrada soomaaliya ayaa ansixiyay bishii july ee sannadkii 2019, siyaasadda ilaalinta bulshada oo ay hoggaamiso wasaaradda shaqada iyo arrimaha  bulshada, waxaana qeyb ka ah siyaasadda in lagu dhimo saboolnimada, iyadoo lagu guuleystay ku dhawaad 1.2 milyan oo bulshada nugul ah inay taageerro dhaqaale ka helaan barnaamijka baxnaano ee qeybta ka ah siyaasadda.

Tags: Wasiirka Shaqada XFS oo Muqdisho ka furay kulan ku saabsan siyaasadda ilaalinta Bulshada+Sawirro
Previous Post

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya+Sawirro

Next Post

Ra’iisul wasaare Rooble: Haloo gurmado dadkii ay saameeyeen Roobki ka da’ay Muqdisho

Next Post
Ra’iisul wasaare Rooble: Haloo gurmado dadkii ay saameeyeen Roobki ka da’ay Muqdisho

Ra’iisul wasaare Rooble: Haloo gurmado dadkii ay saameeyeen Roobki ka da’ay Muqdisho

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Go'aan kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa looga joojiyay ka-qeybgalka kulamada...

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray go’aanno rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Khawaarij waaweyn ay si toos ah ula...

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In