Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Shaqada XFS oo qaabbilay Agaasimaha Hay’adda WFP

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Shaqada XFS oo qaabbilay Agaasimaha Hay’adda WFP
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay agaasimaha Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP)  ee Soomaaliya, Cesar Arroyo.

Kulanka oo ahaa midkii u horreyay ee wasiirka uu ku qaabbilo madaxa hay’adda WFP oo ah hay’ad iskaashiga ballaaran la leh wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta ,waxaana lagu dardar galinaayey shaqooyinka ay hey’addu wado.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Agaasimaha WFP ee Soomaaliya, Cesar Arroyo ayaa boggaadiyay shaqooyinka Wasaaradda iyo xariirka wada shaqeynta ah ee ka dhaxeysa,wuxuuna sidoo kale warbixin ka siiyay wasiirka , dadaallada lagu dhimayo faqriga iyo kobaca nolaleed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“WFP waa hey’ad ay wada shaqeyn ballaaran naga dhaxeyso, waxaana madaxa hey’adda oo aan kullankan isku barannay ku xoojiyay sidii loo dardargelin lahaa shaqooyinka socda oo uu ugu horreyo barnaamijka ay nagala shaqeynayaan ee Baxnaano oo ay wasaaraddu u wakiillatay hey’adda, daahfurnaantiisa iyo sidii waqtigiisa uu ku gaari lahaa dhammaan bulshada.” ayuu yiri wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Wasiir Duraan, ayaa sheegay inuu dadaal galinayo sidii loo dardargelin lahaa howlaha muhiimka ah ee ay bulshada u heyso Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, wuxuuna caddeeyay in diiradda la saarayo sidii kor loogu qaadi lahaa nolasha bulshada nugul iyo qorshayaasha taageerraya shaqo abuurka, xirfadaha iyo bad-qabka goobaha shaqada iyo shaqaalaha.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Horjoogihii jabhadaha Al-shabaab ee Jubbada hoose oo la khaarijiyay

Next Post
Horjoogihii jabhadaha Al-shabaab ee Jubbada hoose oo la khaarijiyay

Horjoogihii jabhadaha Al-shabaab ee Jubbada hoose oo la khaarijiyay

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In