Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Shaqada XFS oo qaabbilay Agaasimaha Hay’adda WFP

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Shaqada XFS oo qaabbilay Agaasimaha Hay’adda WFP
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay agaasimaha Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP)  ee Soomaaliya, Cesar Arroyo.

Kulanka oo ahaa midkii u horreyay ee wasiirka uu ku qaabbilo madaxa hay’adda WFP oo ah hay’ad iskaashiga ballaaran la leh wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta ,waxaana lagu dardar galinaayey shaqooyinka ay hey’addu wado.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Agaasimaha WFP ee Soomaaliya, Cesar Arroyo ayaa boggaadiyay shaqooyinka Wasaaradda iyo xariirka wada shaqeynta ah ee ka dhaxeysa,wuxuuna sidoo kale warbixin ka siiyay wasiirka , dadaallada lagu dhimayo faqriga iyo kobaca nolaleed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“WFP waa hey’ad ay wada shaqeyn ballaaran naga dhaxeyso, waxaana madaxa hey’adda oo aan kullankan isku barannay ku xoojiyay sidii loo dardargelin lahaa shaqooyinka socda oo uu ugu horreyo barnaamijka ay nagala shaqeynayaan ee Baxnaano oo ay wasaaraddu u wakiillatay hey’adda, daahfurnaantiisa iyo sidii waqtigiisa uu ku gaari lahaa dhammaan bulshada.” ayuu yiri wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Wasiir Duraan, ayaa sheegay inuu dadaal galinayo sidii loo dardargelin lahaa howlaha muhiimka ah ee ay bulshada u heyso Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, wuxuuna caddeeyay in diiradda la saarayo sidii kor loogu qaadi lahaa nolasha bulshada nugul iyo qorshayaasha taageerraya shaqo abuurka, xirfadaha iyo bad-qabka goobaha shaqada iyo shaqaalaha.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Horjoogihii jabhadaha Al-shabaab ee Jubbada hoose oo la khaarijiyay

Next Post
Horjoogihii jabhadaha Al-shabaab ee Jubbada hoose oo la khaarijiyay

Horjoogihii jabhadaha Al-shabaab ee Jubbada hoose oo la khaarijiyay

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In