Friday, February 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya oo daahfuray qorshaha horumarinta Biyaha “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya oo daahfuray qorshaha horumarinta Biyaha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Daahfurka qorshahan oo Wasaaradda ay kasoo shaqeyneysay in muddo ah ayaa waxaa Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Mudane Xasan Cabdinuur Cabdi ku wehlinayay Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Agaasimyaal iyo latilayaal katirsan Wasaaradda,  Iyadoo dhanka Fogaan Araga uga qayb galeen Wasiirka Qorsheynta iyo hormarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaal Maxamed Xasan , Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada ee biyaha iyo Tamarta qaar kamdi ah Wasaaradaha Xukuumada Federaalka iyo Hay’adaha taageera mashaariicda Biyaha.

Agaasimaha Waxaada Cabirka iyo Saadaasha Biyaha  Mudane Axmed Maxamed Xasan oo bilaawga kulanka daahfurka ka hadlay ayaa ka qaybgalayaasha uga warbixiyay marxaladaha iyo wadatashiyada uu soo maray qorshaha hormaribta kheyraadka Biyaha oo uu xusay inuu ka jawaabayo wax ka qabashada baahiyaha dhanka Biyaha ee heysta Bulshada Soomaaliyeed.

Related posts

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

February 19, 2026
Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Agaasimaha Guud ee WFP

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Agaasimaha Guud ee WFP

February 19, 2026

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Cabdirisaaq Maxamed Muxumed waxa uu sheegay in dhinacyada oo dhan looga baahan yahay inay Wasaaradda ka tagaeeraan  hirgelinta qorshahaan.

Wasiirada Biyaha iyo Tamarta Dowlad Goboleedyada iyo mas’uuliyiinta ka socday Wasaaradaha heer Federaal iyo hay’adaha wada shaqeynta la leh Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha ayaa taageeray qorshaha hormarinta kheyraadka Biyaha, iyagoona balanqaaday xoojinta wadashaqeynta Wasaaradda.

Mudane Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta iyo hormarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha iyo dhinacyada kale ee kala qayb qaatay diyaarinta qorshan oo uu sheegay inuu yahay mid Baahi weyn loo qabo.

Ugu dambeyn Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Mudane Xasan Cabdinuur Cabdi ayaa xusay in hadda wixii ka dambeeyo Dowladda Soomaaliya ay leedahay qorshe cad oo xoogga saaraya hormarinta iyo ka jawaabidda baahiyaha dhanka Biyaha ah.

Previous Post

Madaxweynaha Koonfur galbeed oo qaabilay Guddiga Xalinta khilaafaadka doorashooyinka heer Federaal “SAWIRRO”

Next Post

Turning Puntland green by stopping erosion

Next Post
Turning Puntland green by stopping erosion

Turning Puntland green by stopping erosion

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka...

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Agaasimaha Guud ee WFP

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Agaasimaha Guud ee WFP

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kulan miro-dhal ah la...

Wasiirka  Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc ballaaran oo cunto qeybin ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc ballaaran oo cunto qeybin ah

February 19, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Abdalla...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In