Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta DFS oo daahfuray shir wada tashi ah oo ay qeyb ka yihiin Warfaafinta  dowlad goboleedyada+Sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta DFS oo daahfuray shir wada tashi ah oo ay qeyb ka yihiin Warfaafinta  dowlad goboleedyada+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta furay shir wada-tashi ah oo muddo sadex cisho ah magaalada Muqdisho uga soconaya Wasaaradaha Warfaafinta dowlad-goboleedyda iyo dowladda Dhexe.

Shirkaan oo ay ka qeyb galayaan wasiirrada Warfafinta ee dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Puntland, iyo wakiillo ka socda gobolka Banaadir iyo warbaahinta gaarka loo leeyahy, waxaa looga hadlayaa sidii labada dhinac  iyagoo mideysan loo dhaqan galin lahaa istiraatiijiyadda wacyigelineed ee qaranka oo la ansixiyay sannadkii hore.

Shirka ayaa sidoo kale looga doodi doonaa mideynta farriimaha wacyigelineed ee xiriirka la leh arrimaha dowlad-wanaagga,  xagjirnimada, argagixisada, iyo qabyaalladda.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo shirka furay ayaa u mahad celiyay wasiirrada iyo wafdiga ka yimid dowlad-goboleedyada iyo warbaahinta gaarka ah. Waxa uu sheegay in ay waajib tahay in talada iyo kheyraadka la wadaago si loogu shaqeeyo bulshada Soomaaliyeed, sidaa darteedna ay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisku ay dowlad-goboleedyada la yeelanayso is-kaashi joogto ah si adeeg wanaagsan loo gaarsiiyo bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirrada Warfaafinta dowlad-goboleedyada oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa sheegay in ay waajib tahay in si mideysan loo wajaho arrimaha xiriirka la leh wacyigelinta bulshada, iyagoo ku nuuxnuuxsaday in istiraatiijiyadda qaran ee wacyigelintu ay aasaas u ahaan doonto arrintaas.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa xiriir wada-shaqeyn oo joogto ah la leh wasaaradaha warfaafinta ee heer dowlad-goboleed, iyagoo si wadajir ah u soo saara siyaasado iyo qorsheyaal lagu horumarinayo warbahinta Soomaaliya.

Previous Post

Ciidanka Danab ee Xoogga Dalka oo Howlgallo qorsheysan ka fuliyay Deegaanka Camaara ee Mudug

Next Post

Maxakamadda Sare ee Ciidanka Qalabka Sida qeybta 60-aad oo ayidday xukun dil ah oo lagu riday gacan ku dhiigle C/raxmaan Cali Xasan (Sugow)

Next Post
Maxakamadda Sare ee Ciidanka Qalabka Sida qeybta 60-aad oo ayidday xukun dil ah oo lagu riday gacan ku dhiigle C/raxmaan Cali Xasan (Sugow)

Maxakamadda Sare ee Ciidanka Qalabka Sida qeybta 60-aad oo ayidday xukun dil ah oo lagu riday gacan ku dhiigle C/raxmaan Cali Xasan (Sugow)

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In