Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo shaaciyay in ku dhawaad 60 looga dilay argagixisada Al-Shabaab meel u dhaw Camaara

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo shaaciyay in ku dhawaad 60 looga dilay argagixisada Al-Shabaab meel u dhaw Camaara
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta ee Dowlad Goboleedka Galmug ayaa sheegay  in Ciidamada Xoogga  dalka iyo daraawiita  Gal-mudug  ay ka horatgeen weerar Maleeshiyaadka Al-Shabaab  ay  ku soo qaadeen fariisamo Ciidanka ay ku leeyahiin duleedka magalada Camaara, halkaasi oo uu sheegay in qasaaro xoogan loogu geystay argagixisada.

Wasiir  Axmad   Shire  Falagle  oo  la hadlay Radio  Muqdisho  ayaa  sheegay  in weerarka  oo  ku bilawday qaraxyo iyo dagaal toos ah ay Al-Shaabaab waabarigii saakay ku soo qaadeen   fariisamo Ciidanka ay ku lahaayeen Camaara, isla markaana ciidamada ay ka hortegeen  dhagarta ay la  damacsanaayeen shacabka ku nool Magaalada.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Khasaarahaha ka dhashay   dagaal   ayuu sheegay in ku dhawaad 60 dhimasho  iyo dhaawac intaas ka badan la gaarsiiyay  Maleeshiyaadka  Al-Shabaab  ee  soo wareeray  Camaara,  ayna  jiraan  dhawacyo  kale oo ay kala carareen goobta, isagoo dhanka Dawladda tibaaxay inay weerarka ku shahiideen 5 qof oo mid ka mid ah ahaa sarkaal.

Xaaladda  deegaanka Camaara  ee Gobolka Mudug ayaa caawa  dagan  ka dib markii Al-Shabaab ay jab xooggan kala kulmeen Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta  Galmudug  oo  isgarabsanaya, ayadoo  ciidamadu ay wali wadaan howlgallada looga  sifaynayo  Al-Shabaab  guud ahaan  deegaannada Galmudug.

Dhinaca kale War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Amniga galmudug ayaa lagu shaaciyay in duqaymo dhanka hawada oo is xigxiga ay ciidamada huwantu dul istaageen maydadka argagixisada oo ka badan 60, ayagoo horey u sii qaatay tiro intaas aan ka yarayn.

Wasaaradda Amniga ayaa ammaan iyo bogaadin u dirtay geesiyada naftood hurayaasha ah, ayagoo ka tacsiyadeeyay shuhada qiimaha badan ee naftooda u hibeeyey ka xoraynta geyiga Soomaaliya argagixisada ku soo duushay, intooda dhaawaca ahna Alle uga baryay in uu siiyo caafimaad degdeg ah.

 

 

Previous Post

Xulka Gobolka Haylaan oo ku guuleystay tartanka kubadda cagta ee Gobollada Punland “SAWIRRO”

Next Post

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed oo ka warbixiyay socdaal ay ku tegeen Degmada Qansaxdheere “SAWIRRO”

Next Post
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed oo ka warbixiyay socdaal ay ku tegeen Degmada Qansaxdheere “SAWIRRO”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed oo ka warbixiyay socdaal ay ku tegeen Degmada Qansaxdheere “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In