Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland oo tababar u soo xiray gabdhaha Suxufiyiinta ee Jubbaland “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta Jubbaland oo tababar u soo xiray gabdhaha Suxufiyiinta ee Jubbaland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubbaland Mudane Saleebaan Maxamed Maxamuud, ayaa soo xiray tababar u soconayay muddo seddex maalmood ah gabdhaha saxaafadda ku jira ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Tababarkan, oo lagu baranayay sidii gabdhaha saxaafadda ku jira kaalin ugu yeelan lahaayeen maamulidda Warbaahinta dalka,  ayaa waxaa ka qeyb galay 30 suxufiyiin dumar ah oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Jubbaland.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubbaland Mudane Saleebaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in ay iska kaashadeen qabsoomidda tababarkan Wasaaradaha Warfaafinta heer Federaalka Iyo Heer Dowlad Goboleed, ujeedkiisuna ahaa sidii gabdhaha saxaafadda ku jira aqoontooda kor loogu qaadi lahaa.

Agaasimaha xiriirka Dowlad Goboleedyada ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska dowladda Federaalka, mudane Cabdiraxmaan Axmed Xuseen  oo ka hadlay madasha xiritaanka ayaa ugu mahadceliyay Wasaaradda Warfaafinta Jubbaland sida wacan ee ay u soo dhoweeyeen, uguna shaqeeyeen isku keenida gabdhaha suxufiyiinta ah ee ka kala yimid deegaannada Jubbaland si ay uga faa’iidaystaan tababarka.

Cabdiraxmaan Maxamed Aadam (Koronto) La-taliyaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, oo ka mid ahaa macalimiintii tababarka, ayaa u kula dardaarmay hablihii ka qeyb galay dhaqan galinta wixii ay ka faa’iideen aqoon iswaydaarsiga, iyo u istaagidda muujinta xirfadda  iyo horumarka gabadhaha saxaafadda ku jira ee deegaanada Jubbaland.

Tababarkan oo ah kii seddexaad oo nuuciisa ah waxaa uu qeyb ka yahay tababarro Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee heer federaal ay ugu talo gashay gabdhaha Suxufiyiinta ah si kor loogu qaado doorkooda ka qeyb galka maamulka hay’adaha Warbaahinta dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Previous Post

Golaha Wasiirada oo meel mariyay sharciyo muhiim u ah dalka “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya "SAWIRRO"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In