Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federalka Soomaaliiya Eng, Cabdirahman Cumar Cisman (Yariisow) ayaa maanta ย Daah furay Mashruuc Qaliin guud ah oo ay fulintiisa iska kaashanayaan Muโasasada Macalim Nuur Maxamed Siyaad iyo Isbitaalka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadda Mashruuca lagu daah Furayay waxaa ka qeyb galay Wasiiru dowlaha Madaxooyada Soomaaliya, Mudane Khaliif Cabdulqaadir Macalim Nuur oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Muโasasada Macalim Nuur Maxamed Siyaad, Madaxda Istibaalka Aadan Cadde oo ay ka mid yihiin Dr. Cismaan Aadan Cabdulle iyo Dr. Maxamuud Maxamed Zaahid, Dhaqaatiir ajaanib ah oo ka qeyb qaadaneysa Qaliinka, Dr Mahad iyo Agaasimaha Caafimaadka ee Muโasasada Macalim Nuur Dr Mustaf Muxudiin
Mashruuca Qaliinka oo socan doona muddo bil ah ayaa waxaa looga faaโiideynayaa 435 Bukaan oo danyar ah, kuwaas oo qaba xanuuno kala duwan.
Drย Maxamuud Saahid Maxamed iyo Dr Cusmaan Aadan Cadde ooย ka mid ah masuuliyiinta sare ee Cusbitaalka Aadan Cadde ayaa sheegay in ay talaabadan ay tahay mid wanaagsan ayna u diyaar u yahiin u adeegidda bulshada danta yar.
Mid ka mid ah dadka ka faaโiideystayย olalahanย qaliinka guudย oo la hadlay Warbahinta Qaranka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay adeegga caafimaad ee loo sameeyay.
Wasiir Yariisow ayaa waxa uu uga mahad celiyay Muโasasada Macalim Nuur iyo Isbitaalka Aadan Cadde mashruuca bulshada looga faaโiideynayo, waxa uuna rajeeyay in mustaqbalka la fulin doono Mashaariic kale oo shacab badan ka faaโiideestaan.
Tani waa talaabo muujinayso in bulshada Soomaaliyeed ay dhexdooda isku gar gaaran.