Thursday, May 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo Golaha Shacabka Horgeeyey Wax Ka Bedelka Xeerka Saxaafada si ay u ansixiyaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 23, 2017
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo Golaha Shacabka Horgeeyey Wax Ka Bedelka Xeerka Saxaafada si ay u ansixiyaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 23 September 2017 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta Golaha Shacabka horgeeyey Wax Ka Bedel Lagu Sameeyey Xeerka Saxaafada si ay uga gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah una ansixiyaan.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Waxaa sharaf weyn ii ah inaan maanta hortiina imaado oo idiin soo gudbiyo Wax Ka Bedel lagu sameeyey Xeerka Saxaafada, isla markaasna idinkaga mahadceliyo doorkiina muhiimka ah ee aad ku mataleysaan bulshada Soomaaliyeed oo aan anigu ka mid ahay.”

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo  shir muhiim ah oa daahfuray Nairobi

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo shir muhiim ah oa daahfuray Nairobi

May 14, 2025
Guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda Soomaaliya oo Beesha Caalamka u soo bandhigay Warbixin Sanadeed kii 2024.ka

Guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda Soomaaliya oo Beesha Caalamka u soo bandhigay Warbixin Sanadeed kii 2024.ka

May 14, 2025

Wasiirka ayaa ka warbixiyey taariikhda uu Xeerka Saxaafada soo maray oo markii ugu horreysey 2007 uu Baarlamaankii KMG ahaa ansixiyey, walow aan markaas si rasmi ah loo dhameystirin habraacii dhaqangalka. Ka dibna dhowr jeer ayaa la isku dayey oo wax ka bedel lagu sameeyey.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa u mahadceliyey Wasiiradii ka horeeyey oo Xeerkan soo diyaariyey sida Wasiir Maareeye iyo Wasiir Mustaf Dhuxulow, iyadoo wadatashi dheer lala sameeyey dhammaan bahda saxaafada iyo Dowlad Goboleedyada sanadihii 2014 iyo 2015 iyo sanadkan 2017. September 2014 ayuu Xildhibaan Mustafa Sh. Ali Dhuxulow oo markaas Wasiirka ahaa hor geeyey Golaha Wasiirada, ka dibna ugu danbeyntii Wasiirkii hore, Xildhibaan Maxamed Cabdi Hayir (Mareye) ayaa 2015kii hor-keenay Golahan oo 28kii December 2015 la ansixiyey.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa sheegay in sababta wax ka bedel loogu sameeyey Xeerka Saxaafada ay aheyd codsi uga yimid bahda Saxaafada oo qodobo qaarkood u baahday in isbedel lagu sameeyo ka hor inta aan la dhaqangelin. Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Annagoo tixgelineyna codsiga bahda saxaafada ayaan bilownay wadatashiyo oo 6 – 8dii May 2017 kulan ku yeelanay Muqdisho oo ay Dowlad Goboleedyada iyo Bahda Saxaafada goob-joog ahaayeen. Qoddobadii wax ka bedelka ee la isku raacay ayaan wada siiqeynay. Intaas ka dib ayaan sii wadnay wadatashiga oo aan gaarsiinay heer aan Xeerkii oo isbedelka lagu sameeyey aan ka sii wadatashano. Kulamo kale oo aan Bahda Saxaafada iyo Dowlad Goboleedyada la sameynay bishii June 2017 ayaan ka sii wadatashanay iskuna wada raacnay qoddobada wax ka bedelka u baahan. 22kii Juun iyo 11kii July ayaan markale bahda saxaafada iyo Dowlad Goboleedyada u gudbinay nuquladii ugu danbeeyey, ka dibna Golaha Wasiirada ayaa 13kii July 2017 ansixiyey Xeerkan lagu sameeyey wax-ka-bedelka.”

Qoddobada wax ka bedelka lagu sameeyey ayaa waxaa ka mid ah:

  • Qoddobka 35aad oo shuruudihii aqoonta iyo Jaamicada ka saarnay annagoo u daneyneyna daruufaha heysta suxufiyiinta.
  • Qoddobka 18aad oo isna laga saaray shuruudihii aqoonta iyo imtixaanka;
  • Qodobka 5aad – Waxaa laga saaray ereyga “haddii uu fal dambi ka dhasho (criminal case)” – arrimaha fal danbiyeedka waxaa jira shuruuc kale oo ay khuseyso – Firqadiisa T) lacagta ganaaxa oo laga dhigay 300 – 1500 (halka ay markii hore ka aheyd 500 – 3000);
  • Qodobka 34aad – Qidmada lagu fiirsado TV-ga (Tv Licence) – halkii markii hore aheyd in qof walba oo daawada TV uu bixiyo Qidmada TV-ga, waxaan ku bedelnay in shirkadaha Cable-da ee bixiya adeegyada TV-yada in lacagaha ay shacabka ka qaadaan ay ku waajibeyso canshuur. Sababta aan u sameynay ayaa aheyd inaysan macquul noqon karin in qof walba oo daawada TV laga qaado Qidmo oo ay aad u adkaan laheyd dhaqanglintiisa.
  • Qodobka 14aad – Guddiga Saxaafada Soomaaliyeed – waxaan ku darnay qeyb oraneysa Milkiile, Maamule, suxufi xarun warbaahineed u shaqeeya iyo Tifaftire waxaa ka reeban kamid-noqoshada Guddiga Saxaafada si looga fogaado danaha iska-hor-imaanaya (Conflict of Interest) – Waqtiga Guddigana waxaan ka dhignay 2 sano, halkii uu markii hore ahaa 4 sano – Sababta ayaa ah bacdamaa guddigan uu cusub yahay, tahayna markii ugu horreysey oo caqabado ay la kulmayaan in waqtiga la yareeyo, walow loogu dari karo mudada oo loo kordhin karo.
  • Qoddobka 33aad – Adeega Warbaahinta Dowladda waxaa lagu bedelay Adeega Warbaahinta Bulshada – sababta ayaa ah in baahi gaar ah loo qabto adeega warbaahinta Bulshada bacdamaa uu dalku galayo marxalad xisbiyo siyaasadeed lagu hirgelinayo oo doorashooyin hal-cod iyo hal-qof ah la qabanayo.
  • Qoddobka 16aad, Qoddobka 21aad, Qoddobka 27aad, Qoddobka 28aad, Qoddobka 30aad, Qoddobka 31aad waxaa lugu xusay doorka wasaaradaha Dowlad Goboleedyada.
  • Qoddobka 38aad – Ilaalinta Xaqa Lahaanshaha oo markii hore af-english u fasirnaa (Copy Right) ayaan hadda ku bedelnay (Intellectual Property Rights) –
  • Qodobka 1aad – Erey bixinta oo la-tashiyo lala sameeyey Garyaqaanada ayaa erayada sixitaan lagu sameeyey, walow macnahu uu isku mid yahay –

Wasiir Eng. Yarisow aya sidoo kale yiri “Waad dareemi kartaan ahmiyada weyn ee uu leeyahay Xeerka Saxaaafada oo muhiim u ah horumarinta warbaahinta dalka, iyo sidii ay shacabka u heli lahaayeen warar xaqiiqo ah oo la hubiyey oo bulshada u horseeda horumar, nabad iyo xoojinta midnimada ummada Soomaaliyeed. Mar haddii ay jireen qodobo aasaasi ah oo u baahnaa in wax laga bedelo si loo dhaqangeliyo xeerka ayaan fursad u siinay suxufiyiinta iyo dowlad goboleedyada oo aan si guud wax ka bedel ugu sameynay.”

Wasiirka ayaa sidoo kale yiri “Ka Wasiir ahaan waxaa iga go’an inaan kor u qaado Xoriyada Hadalka iyo Fikirka sida uu qeexayo qodobka 18aad ee Dastuurka KMG ah, tanoo muhiim u ah in suxufiyiinta Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo leh xirfad iyo aqoon si ay si-mas’uuliyadi ku jirto ay si xor ah u tabiyaan wararka iyo barnaamijyada. Xeerkan waxuu si adag uga hadlayaa xaquuqda suxufiyiinta oo aad ogtihiin duruufaha ay ku shaqeeyaan noogana baahan inaan garab-istaagno si ay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan xeerka iyo shuruucda dalka. Xeerkan waxuu abuurayaa Guddiga Saxaafada Soomaaliyeed oo mas’uul ka noqonaya dhaqangelinta Xeerka oo cidii ku xad gudubta laga qaadayo tallaabada ku habboon.”

Ugu danbeyntii, Wasiir Eng. Yarisow ayaa xildhibaanada Sharafta leh uu si xushmad iyo qadarin leh uga codsaday inay ka aqblaan soo gudbinta wax ka bedelka Xeerka Saxaafada oo ay ka doodaan kana gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah oo ay ansixiyaan ka dib marka ay tallooyinkooda iyo fikirkooda ku biiriyaan.

DHAMAAD

Previous Post

Shir ku saabsan arrimaha Soomaaliya oo lagu qabtay Gobolka Minnesota

Next Post

Doonyo hub saarnaa oo lagu qabtay xeebaha gobolka Bari “SAWIRRO”

Next Post
Doonyo hub saarnaa oo lagu qabtay xeebaha gobolka Bari “SAWIRRO”

Doonyo hub saarnaa oo lagu qabtay xeebaha gobolka Bari "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo  shir muhiim ah oa daahfuray Nairobi

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo shir muhiim ah oa daahfuray Nairobi

May 14, 2025
0

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Nairobi ka daahfuray kulan la isugu keenay khubarada, sameeyayaasha...

Guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda Soomaaliya oo Beesha Caalamka u soo bandhigay Warbixin Sanadeed kii 2024.ka

Guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda Soomaaliya oo Beesha Caalamka u soo bandhigay Warbixin Sanadeed kii 2024.ka

May 14, 2025
0

Wasiika Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo xubnaha Guddiga Maamul-Wanaaga Maaliyadda ee magacooda loo soo gaabiyo (FGC)...

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka oo shahaadooyin guddoonsiiyay Urur aiyaasadeedyo

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka oo shahaadooyin guddoonsiiyay Urur aiyaasadeedyo

May 14, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ah ee ururnimo guddoonsiiyey urur-siyaasadeedyo cusub oo soo buuxiyay...

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waa in talada shacabka loo celiyo si loo helo xasillooni siyaasadeed.”

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waa in talada shacabka loo celiyo si loo helo xasillooni siyaasadeed.”

May 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay hubanti la’aanta siyaasadeed ee dalka ka jirtay muddo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In