Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta Oo Khudbad Ka Jeediyey Shirka 12aad Ee Wasiirada Warfaafinta Dalalka Iskaashiga Islaamka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta Oo Khudbad Ka Jeediyey Shirka 12aad Ee Wasiirada Warfaafinta Dalalka Iskaashiga Islaamka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta khudbad ka jeediyay Shirka 12aad ee Wasiirada Warfaafinta dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka dhacaya magaalada Istanbul ee dalka Jamhuriyadda Turkiga.

Wasiirka ayaa khudbaddiisa kaga warbixiyay xaaladda Soomaliya iyo dagaalka ay dowladda ku ciribtireyso kooxaha argagixisada ee sida khaldan diinta Islaamka u adeegsanaya. Shirkan ka socda Istanbul ayaa sannadkan waxaa hal ku dhig u ah ‘’La dagaalanka wararka sida khaldan loo tebiyo iyo  ka hortagga Islaam nacaybka’’.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiirka oo mowduucyadaasi ka hadlayey ayaa sheegay  in dagaalka lagula jiro argagixisada aanu mira dhal noqon karin haddii aan wax laga qaban tebinta wararka khaldan oo dhibaato iyo colaado ka dhex dhalin kara bulshada ku nool dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC.

Waxaa sidoo kale uu Wasiirku xusay dhaqanka Islaam nacaybka ee dunida ku baahaya loo baahan yahay in la suuliyo, waajibna uu ka saaran yahay dhammaan dalalka kala duwan ee caalamka in la xaqiijiyo jiritaanka nidaam wada noolaansho oo ka caagan is naceybka noocyadiisa kala duwan.

Shirkan 12aad ee Wasiirada Warfaafinta dalalka ku jira Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa waxaa sannadkan Guddoomiye loo doortay Madaxa Golaha Sare ee Warbaahinta Turkiga Prof Fahrettun Altun, iyadoo Wasiirka Warfaafinta ee Somalia Mudane Daud Aweis Jama uu noqonayo mid ka mid ah saddexda Guddoomiye Ku Xigeen ee Golaha Wasiirada Warfaafinta ee Ururka Iskaashiga Islaamka uu yeelanayo sannadkan.

Wasiirka Warfaafinta ee Somalia, Mudane Daud Aweis Jama ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeeshay Wasiirka Ganacsiga iyo Warfaafinta ee Boqortooyada Sacuudiga Dr. Majid Bin Abdullah Al Kassabi, Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Dr Hissein Brahim Taha iyo diblomaasiyiin kale.

Kulanka kale ayaa waxaa uu Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya la yeeshay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wasiirada Warfaafinta Ururka Iskaashiga Islaamka ahna Madaxa Golaha ugu sareeya Warbaahinta Turkiga, Prof Fahrettun Altun.

Kulankaasi ayaa labada dal waxay isku afgarteen inay xoojiyaan iskaashiga dhinaca warbaahinta iyo wacyigelinta ee ka dhexeeya Somalia iyo Turkiga.

Wasiirka ayaa sidoo kale xaley ka qeyb galey kulan casho ah oo Wasiirada Warfaafinta ee OIC uu magaalada Istanbul ugu sameeyay Madaxweynaha Jamhuriyadda Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Previous Post

Wafdi Uu Hogaaminayo Madaxa Hay’adda Qaxootiga Adduunka Oo Gaaray Gaalkacyo

Next Post

Duqa Muqdisho oo ku baaqay in loo Midoobo dagaalka ka dhanka ah argagixisada

Next Post
Duqa Muqdisho oo ku baaqay in loo Midoobo dagaalka ka dhanka ah argagixisada

Duqa Muqdisho oo ku baaqay in loo Midoobo dagaalka ka dhanka ah argagixisada

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In