Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo Kulan La Yeeshay Wakiilka UNESCO ee Bariga Afrika

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo Kulan La Yeeshay Wakiilka UNESCO ee Bariga Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO) ee Bariga Afrika, Marwo Louise Haxthausen.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Wakiilka wadashaqeynta qotada dheer ee u dhaxeysa UNESCO iyo Dowladda Soomaaliya, taas oo uu xusay in ay tahay mid muddo dheer soo jirtay.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026
Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

January 8, 2026

Wasiirka ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay si gaar ah diiradda u saarayso iskaashiga ay la leedahay UNESCO, gaar ahaan dhanka casriyeynta keydka taariikheed ee weyn ee Radio Muqdisho, oo muddo ka badan 70 sano lagu uruurinayay agab qiimo u leh taariikhda iyo dhaqanka dalka. Wuxuu carabka ku dhuftay muhiimadda ay leedahay in keydkaas loo beddelo qaab dijitaal ah si loo ilaaliyo dhaxalka jiilasha soo socda.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay sidoo kale ka wada hadleen xoojinta barnaamijyada dhaqanka ee gacan ka geysanaya shaqo abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed, iyo sidii dhaqanka loogu adeegi lahaa dib u heshiisiinta iyo is-dhexgalka bulshada.

Wakiilka UNESCO ee Bariga Afrika, Marwo Louise Haxthausen, ayaa dhankeeda uga mahadcelisay Wasaaradda soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay. Waxay sidoo kale bogaadisay dadaallada Dowladda Federaalka ay ugu jirto casriyeynta keydka Radio Muqdisho, iyada oo ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo wax weyn ka tari doonta kaydinta iyo xifdinta taariikhda iyo dhaqanka Soomaaliya. Waxay intaas ku dartay in UNESCO ay si buuxda uga qeyb qaadan doonto howshaas.

Wasiirka iyo Wakiilka UNESCO ayaa kormeeray keydka Radio Muqdisho, halkaas oo ay ku arkeen agab taariikhi ah oo muhiim ah. Wasiirka ayaa wafdiga uga warbixiyay qorshaha Wasaaradda ee lagu casriyeynayo keydka, si loo badbaadiyo loogana faa’iideysto mustaqbalka.

Kulanka waxaa Wasiirka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, iyo mas’uuliyiin kale.

Previous Post

Ciidamada difaaca deegaanka oo xalay howlgal ka fuliyey howdka Ciid-ciidka ee degmada Mahadaay

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo xilka Wasaaradda si rasmi ah ula wareegay

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo xilka Wasaaradda si rasmi ah ula wareegay

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo xilka Wasaaradda si rasmi ah ula wareegay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, dadaallada...

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

January 8, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Aadan Maxamed, ayaa maanta ka qaybgalay kulankii...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil oo ka socda  Muqdisho

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil oo ka socda Muqdisho

January 8, 2026
0

Bannaanbax ka dhan ah xadgudubka Israa’il ee madaxbannaanida JFS ayaa caawa ka socda Muqdisho. Bannaanbaxan ayaa waxaa dhigaya boqolaal qof...

Taliska Booliska Gobalka Banaadir oo qabtay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

Taliska Booliska Gobalka Banaadir oo qabtay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, ayaa guddoomiyay shir deg-deg ah oo looga hadlayay amniga Caasimadda....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In