Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo Kulan La Yeeshay Wakiilka UNESCO ee Bariga Afrika

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo Kulan La Yeeshay Wakiilka UNESCO ee Bariga Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO) ee Bariga Afrika, Marwo Louise Haxthausen.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Wakiilka wadashaqeynta qotada dheer ee u dhaxeysa UNESCO iyo Dowladda Soomaaliya, taas oo uu xusay in ay tahay mid muddo dheer soo jirtay.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026

Wasiirka ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay si gaar ah diiradda u saarayso iskaashiga ay la leedahay UNESCO, gaar ahaan dhanka casriyeynta keydka taariikheed ee weyn ee Radio Muqdisho, oo muddo ka badan 70 sano lagu uruurinayay agab qiimo u leh taariikhda iyo dhaqanka dalka. Wuxuu carabka ku dhuftay muhiimadda ay leedahay in keydkaas loo beddelo qaab dijitaal ah si loo ilaaliyo dhaxalka jiilasha soo socda.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay sidoo kale ka wada hadleen xoojinta barnaamijyada dhaqanka ee gacan ka geysanaya shaqo abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed, iyo sidii dhaqanka loogu adeegi lahaa dib u heshiisiinta iyo is-dhexgalka bulshada.

Wakiilka UNESCO ee Bariga Afrika, Marwo Louise Haxthausen, ayaa dhankeeda uga mahadcelisay Wasaaradda soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay. Waxay sidoo kale bogaadisay dadaallada Dowladda Federaalka ay ugu jirto casriyeynta keydka Radio Muqdisho, iyada oo ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo wax weyn ka tari doonta kaydinta iyo xifdinta taariikhda iyo dhaqanka Soomaaliya. Waxay intaas ku dartay in UNESCO ay si buuxda uga qeyb qaadan doonto howshaas.

Wasiirka iyo Wakiilka UNESCO ayaa kormeeray keydka Radio Muqdisho, halkaas oo ay ku arkeen agab taariikhi ah oo muhiim ah. Wasiirka ayaa wafdiga uga warbixiyay qorshaha Wasaaradda ee lagu casriyeynayo keydka, si loo badbaadiyo loogana faa’iideysto mustaqbalka.

Kulanka waxaa Wasiirka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, iyo mas’uuliyiin kale.

Previous Post

Ciidamada difaaca deegaanka oo xalay howlgal ka fuliyey howdka Ciid-ciidka ee degmada Mahadaay

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo xilka Wasaaradda si rasmi ah ula wareegay

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo xilka Wasaaradda si rasmi ah ula wareegay

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo xilka Wasaaradda si rasmi ah ula wareegay

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay'adaha caalamiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In