Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo qalab Warbaahin dib ugu celiyay Idaacadaha Shabeelle iyo Sky ee Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumada Soomaaliya oo ay wehliyaan sarakiilka tirsan Wasaradda amniga gudaha ayaa galabta qalab Warbaahineed dib ugu celiyey Idacadaha Shabeelle iyo Sky-fm oo muddo bil ka hor ay hay’daha amniga dowladda u xireen bahinta warar amniga lidi ku ah oo ay bahiyeen, ayadoo sidoo kalena Wasiirku hambalyo ku adan 3 May oo ku began maalinta saxafadda dunida  u direy Warbahinta Soomaaliyeed.

Qalabka dib loogu celiyey Idacadaha Shabeelle iyo Skyfm oo isugu jirey Kaamirooyin, Kombiyuutero iyo Meykarafoonada codadka baahiya ayaa waxa uu Wasiirku ku wareejiyey mamulka Idacadaas, waxaana uu shaaciyay in wixii maanta ka dambeeya shaqaalaha Idacadasi howshoodi ay dib u bilaabi karaan.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Sahro Cabdullaahi Ciise iyo Amal Yuusuf Macalin oo ka mid ah howlwadeenada labada idaacadood ayaa waxa ay Wasiirka Warfafinta uga mahadceliyeen sida uu isugu taxluujiyey in ay dib u helan qalabkoodi Warbahineed, shaqadoodana ay dib ugu bilabato.

‘Waxaan ku faraxsanahey inan shaqadeeni dib u bilabano, Wasiirkana waan uga mahadcelineyna siduu isugu taxluujiyey qalabkeena inaan dib u helno, hadalka intiisa muhiimka ah Sahra ayaa soo sheegtay, marka waxaan kaaga mahadcelineynaa kaalintii aad ku lahayd in qalabkan oo dhameystiran naloo soo celiyo”

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa tilaamay in uu aad ugu faraxsanyahay dib u howlgelinta labada Idaacadood ee muddo ka badan hal bil aan shaqeyn.

“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan imaado xarunta Shabeele, anigoo u sida qalabka Idaacadaha Shabeelle iyo Sky-fm oo isku dhan, waxaa sharaf noo ah in aan alaabtooda aan dib u soo celino, isla markaana aan dib u howlgelino, waxyaalo aan dowlad ahaan u aragnay in ay dhiiri gelinayaan Kooxaha Nabad-diidka ee UGUS ay qortaan dhalinyarada naftooda haliga, dowladda siyaasaddeeeda  ee ku cad dastuurka Wabaahinta waa xur, laakiin sida dalkasta oo adduunka ah, Warbaahintu xor uma ahan inay sameyso waxyaalo wax u dhimi kara Amniga” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale hambalyo ku adan maalinta Warbahinta dunida u direy suxufiyiinta Soomaaliyeed oo ku began 3-da May ee bari,  isagoo kula dar daarmay iney ilaliyaan anshaxa saxafaadda oo aysan tabin Warar lidi ku ah amniga iyo dowladnimada.

“Dowladda ma dooneyso inay caburiso Warbaahinta xorta ah, taasna nagala shaqeeya, waxaan kaloo hambalyo iyo bogaadin u dirayaa suxufiyiinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida ka joogaan Hambalyo 3-da May, awgeed” ayuu Wasiirka Warfaafinta hadalkiisa ku daray.

Idaacadaha shabaelle iyo Sky ayaa bil ka hor waxa ayy hay’addaha amniga ee Dowladda u xireen, qalabkana kala waregeen tabinta warar amniga ka dhan ah oo ay baahiyeen, iyadoo maanta uu Wasiirku ka codsaday inay ilaalinta anshaxa saxaafadda.

Previous Post

Guddiga Farsamada Maamul u Sameynta Gobalada Mudug Iyo Galgaduud Oo Bilaabay Xareynta Odayaasha Dhaqanka Ee Shirka (War-murtiyeed)

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In