Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u soo xiray tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u soo xiray tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayari Maareeye ayaa caawa si rasmi ah  u soo gabo gabeeyay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo sanadkan ay ka qeyb galeen 30 degmo oo ka kala tirsan gobollada dalka oo ay ugu badnaayeen degmooyinka Gobollka Banaadir.

Munaasabadda xiritaanka tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka waxaa ka kaloo ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamed Maxamuud, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Benaadir Basma Caamir Jakeeti, Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Yaxye Cali Faarax iyo guddiga tartan cilmiyeedka.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026

Mudan Cabdifataax Daahir Jeyte oo ka mid ah xubnaha guddiga ayaa ugu horeyn ku soo dhaweeyay Wakiilada Tartamayaasha Degmooyinka Buurhakaba iyo Dharkeynley, kuwaasi oo ka mahadceliyay sida wanaagsan ee uu tartanka u dhacay, iyagoo si wada jir ah u qiray inay aad ugu qanacsanyihiin hannaanka uu tartanka ku bilowday, kuna soo dhamaaday.

Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Yaxye Cali Faarax ayaa sheegay in sanadkan la qabtay tartankii ugu balaarnaa marka loo eego dhanka ku baahinta baraha bulshada ee Warbaahinta Qaranka, isagoo mahadcelin u jeediyay maamulka Gobolka Banaadir oo gacan ka geystay taaba gelinta tartanka.

“Waa tartankii sagaalad oo ay taabo geliso maamulka Gobolka Benaadir, waana tartanka ugu balaaran ee tartan aqooneed laga qabto magaalada, waxaa intaas dheer in ka badna shan kun oo qof ayaa si toos ah uga daawanayay baraha bulshada ee Warbaahinta Qaranka, waxaan rabaa inaan u mahadceliyo tartamayaasha kaalimaha koowaad, labaad iyo saddexaad galay,  howlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta ayaa u dhabar adeegay in uu tartanka heerkan soo gaaro” ayuu yiri Agaasime Yaxye Cali Faarax.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa sheegay inay sharaf u tahay in uu ka soo qeybgalo gunaanadka tartan aqooneedka Warbaahinta Qaranka, isagoo intaa ku daray in aqoon lagu tartamo ay tahay wax aad u wanaagsan.

“Waan uga mahadcelineynaa telefishinka Qaranka iyo Radio Muqdisho, anaga aan taabo gelino, balse in bulshada ay gaarsiiyaan waa talaabo aad u wanaagsan, waana soo dhaweyneynaa in la dhiiri geliyo dadka wax bartay” ayuu yiri Cumar Filish oo hadlakiisa ku daray inay sii wadi doonaan taaba gelinta tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka.

Guddoomiyaha ayaa tartamayaasha uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay uga qeyb qaateen, isagoo si gaar ah u mahadceliyay tartamayaasha caawa tartanka ku guuleystay ee Buurhakaba oo ka tirsan Gobolka Baay, halka kaalinta labaad ay galeen tartamayaasha degmada Dharkeynley.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo soo xiray tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka ayaa ugu horeyn maamulka Gobolka Banaadir uga mahadceliyay taabo gelinta tartanka, isagoo hambalyo taa la mid ah u diray tartamayasha Degmada Xamar Jajab oo ku guuleystay tartanka iyo Kismaayo oo galay kaalinta labaad.

“Waxaan hambalyo u dirayaa tartamayaasha ka qeyb galay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa tartamayaasha kala galay kaalimaha 1aad, 2aad iyo 3aad oo kala ah Buurhakaba oo tartanka ku guuleysatay, Dharkeynley oo kaalinta 2aad gashay iyo Warta Nabadda oo kaalinta saddexaad soo tiigsatay, oo ka kala tirsan gobollada Baay iyo Benaadir”. ayuu yiri Wasiir Maareeye oo hadalkiisa ku daray “Waxaan  u mahadcelinayaa intii ka qeyb qaadatay iyo intii lahayd fikirka aqoonta lagu tartamayo, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Guddiga tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo maamulka Gobolka Banaadir taabageliyay tartanka”.

Wasiirka ayaa xusay inay aad u wanaagsan in tartamayaasha ay fursad u heleen inay bartaan degmooyinka Gobollada dalka.

“Tartanka waxaa laga faa’iidaa meelaha ay ku liitaaan ardaydeena iyo waxyaabaha ay ku fiicanyihiin, waxaan soo jeedinayaa in cilmibaarista ka soo baxda tartanka loo gudbiyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dalka” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in tartanka ay ka qeyb qaateen dad aqoonyahanno ah oo dalka soo maray, ayna tahay talaabo lagu faano.

“Waxaan bulshada ugu baaqeynaa inay qaataan talooyinka caafimaadka, anigoo ku hadlaya magaca guddiga la dagaallanka cudurka COVID-19, inay si dhab ah u qaataan cudurka oo ay ka taxa daraan waxkasta oo cudurka faafin kara”. Ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya.

Sawir Qaade:- Nuur Saciid Tahliil

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Buurhakaba oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Next Post

Guddiga qaran ee ka hortaga Covid-19 oo ka hadlay hoos u dhac ku yimid faafintaanka Karoona

Next Post
Guddiga qaran ee ka hortaga Covid-19 oo ka hadlay hoos u dhac ku yimid faafintaanka Karoona

Guddiga qaran ee ka hortaga Covid-19 oo ka hadlay hoos u dhac ku yimid faafintaanka Karoona

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In