Monday, August 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u soo xiray Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 30, 2022
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u soo xiray Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cisman Abuukar Dubbe ayaa caawa soo gabo gabeeyay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo sanadkan ay ka qeyb galeen 30 degmo oo ka kala tirsan gobollada dalka oo ay ugu badnaayeen degmooyinka Gobollka Banadir, iyadoo sanadkii 2aad oo xiriir ah ay taabagelisay Bangiga IBS.

Munaasabadda xiritaanka tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka waxaa ka kaloo ka qeyb galay guddiga tartan cilmiyeedka, Ku-simaha Agaasimaha telefishinka Qaranka, Agaasimaha Radio Muqdisho iyo xubno kale

Related posts

Xogta horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay gobolka Bakool

Xogta horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay gobolka Bakool

August 17, 2025
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS Oo Daahfuray Shirweynaha Wadatashiga Qaran Ee Tababaridda Khubarada Fidinta Xanaanada Xoolaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS Oo Daahfuray Shirweynaha Wadatashiga Qaran Ee Tababaridda Khubarada Fidinta Xanaanada Xoolaha

August 17, 2025

Agaasime Cabdifataax Daahir Jeyte oo ka mid ah guddiga tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo kulanka hadal kooban ka jeediyay ayaa uga mahadceliyay tartamayaasha ka qeyb galay tartanka sida quruxda badan ee ay ku soo bandhigeen aqoontooda, isagoo mahadcelin gaar ah u jeediyay daadihiyeyaasha iyo gudiga tartanka oo u dhabar adeegay muddada uu tartanka socday, isla markaana uu xusay inay jireen Xildhibaanno si qoto dheer ula socday tartanka sanadkan.

Qaar ka mid ah tartamaayashii kaalimaha koowaad iyo labaad ka galay tartanka oo ka hadlay munaasabadda xiritaanka ayaa u mahadceliyay cidkasta oo gacan ku siisay tartanka, ayna ku qanacsanyihiin natiijadii caawa tartanku ku soo idlaaday, kuwaasi oo isugu hambalyeeyay guusha.

Xildhibaan Maxamuud Ibraahim Beene beene oo isna qadka telefonka kaga qeybgalay ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay cidkasta oo gacan ka geysatay diyaarinta tartanka, isagoo si gaar ah u mahadceliyay howlwadeennada Warbaahinta Qaranka, Wasiirka Warfaafinta iyo dhamaan tartamaayashii ka qeybgashay tartanka muddadii uu socday.

Guddoomiyaha Degmada Buula-burte Axmed Mahad Nuur ayaa u hambalyeeyay tartamayaasha Degmadiisa iyo cidkasta oo ka qeybgashay tartanka.

Ku-simaha Agaasimaha Telefishinka Qaranka Mudane Maxamed Abuukar Axmed Ma’da ayaa xusay inay tahay xilli dambe, isagoo u mahadceliyay howlwadeennada Wasaaradda, gaar ahaan kuwa Warbaahinta Qaranka oo har iyo habeen u taagnaa taaba gelinta tartanka, isagoo Alle ka baryay in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan nabad iyo barwaaqo.

“Tartanka sandkan aad ayuu u xiiso badnaa, dhiiri gelinta loo sameynayay degmooyinka haddi ay ahaan lahayd siyaasiyiin iyo Xildhibaanno, waxyaabaha ugu xiisaha badann ay tahay in labo degmo oo cusub ay tartanka kama dambeysta ah isla soo gaareen, iyadoo kaalinta saddexaad ay soo tiigsatay Kismaayo oo kaalimaha hore ee tartanka aan ka dhicin, waxaan kaloo u mahadcelinayaa macalimiinta oo kaalin muhiim ah ka qaatay tartanka, Bangiga IBS ayaana noo suurta gelisay”. Ayuu yiri Agaasime Ma’da

“Waa tartankii 11aad oo sanadkii labaad ay taabo gelisay Bangiga IBS, waana tartanka ugu balaaran ee tartan aqooneed laga qabto magaalada, waxaa intaas dheer in ka badan shan kun oo qof ay si toos ah uga daawanayay baraha bulshada ee Warbaahinta Qaranka, waxaana rabaa inaan u mahadceliyo tartamayaasha kaalimaha koowaad, labaad iyo saddexaad galay,  howlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta ayaa u dhabar adeegay in uu tartanka heerkan soo gaaro” ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay mudane Maxamed Abuukar Ma’da.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cisman Abuukar Dubbe oo soo xiray tartan cilmiyeedka ayaa ugu horeyn Bangiga IBS uga mahadceliyay taabo gelinta tartanka, isagoo hambalyo taa la mid ah u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, tartamayasha kala galay kaalimaha 1aad, 2aad iyo 3aad oo kala ah Buula-burte, Marko iyo Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan, Shabeelaha Hoose iyo Jubbada Hoose.

“Waxaan hambalyo u dirayaa tartamayaasha ka qeyb galay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa tartamayaasha kala galay kaalimaha 1aad, 2aad iyo 3aad oo kala ah Buula-burte oo tartanka ku guuleysatay, Marko oo kaalinta 2aad gashay iyo Kismaayo oo kaalinta saddexaad soo tiigsatay, oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan, Shabeelaha Hoose iyo Jubbada Hoose”. ayuu yiri Wasiir Dubbe oo hadalkiisa ku daray “Waxaan  u mahadcelinayaa intii ka qeyb qaadatay iyo intii lahayd fikirka aqoonta lagu tartamayo, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Guddiga tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka iyo Bangiga IBS oo taabageliyay tartanka”.

Wasiirka ayaa u rajeeyay in sanadka soo socda ay ka qeyb galaan tartamaayasha Degmooyinka Beladweyne iyo Baydhabo oo aan sanadkan ka qeybgelin, isagoo u mahadceliyay cidkasta oo gacan ka geysatay hal abuurka ah in aqoon lagu tartamo.

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Buula-burte oo ku guuleystay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Next Post

UNHCR oo sheegtay in ay korartay Tirada dadka tahriibayaasha ah ee badda ku dhintay sanadkii hore

Next Post
UNHCR oo sheegtay in ay korartay Tirada dadka tahriibayaasha ah ee badda ku dhintay sanadkii hore

UNHCR oo sheegtay in ay korartay Tirada dadka tahriibayaasha ah ee badda ku dhintay sanadkii hore

Xogta horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay gobolka Bakool

Xogta horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay gobolka Bakool

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD), oo ku duulaya xog sirdoon iyo raad-joogis dheer, ayaa xalay howlgal qorsheysan ku...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS Oo Daahfuray Shirweynaha Wadatashiga Qaran Ee Tababaridda Khubarada Fidinta Xanaanada Xoolaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS Oo Daahfuray Shirweynaha Wadatashiga Qaran Ee Tababaridda Khubarada Fidinta Xanaanada Xoolaha

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Maxamed Saneey Dalmar, ayaa Maanta magaalada...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo si rasmi ah u shaaciyay waqtiga loo dareeri doono doorashada Golaha Deegaanka iyo Duqa Muqdisho

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo si rasmi ah u shaaciyay waqtiga loo dareeri doono doorashada Golaha Deegaanka iyo Duqa Muqdisho

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa si rasmi ah u shaaciyay waqtiga shacabka gobolka...

Horjooge lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Bakool

Horjooge lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Bakool

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 95-aad ee Guutada 9-aad Qeybta 60-aad, ayaa xalay saqdhexe howlgal qorsheysan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In