Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah xilka ula wareegay, fartana ku fiiqay yoolka Wasaaradda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah xilka ula wareegay, fartana ku fiiqay yoolka Wasaaradda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay, wax yar un kadib markii maanta loo dhaariyay xilkaasi.

Munaasabadda xil wareejinta oo  lagu qabtay Xarunta Wasaaradda, ayaa waxaa kasoo qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka, Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta Golaha Shacabka, Hanti dhowraha Qaranka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta.

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

November 1, 2026
Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026

Hanti dhowraha Qaranka Maxamed Maxamuud Cali  iyo Gudoomiyaha Guddiga Warfaafinta Golaha Shacabka Xildhibaan Khaalid Macoow ayaa bogaadiyay Wasiirka  iyo howlaha shaqo ee ka socda Wasaaradda, iyagoo xusay inay diyaar u yihiin la shaqeynta Wasiirka cusub.

Sii hayahii Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Iidaan Yoonis oo xilka wareejiyay ayaa sheegay in Warfaafintu ay heshay Wasiir ku haboon oo u leh qibrad wanaagsan, uuna ku faraxsanyahay in uu maanta xilka wareejiyay.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Hannuuninta Dadweynaha Mudane Daahir Maxamuud Geelle oo xusay doorkii Wasiiradii xilka kaga horeeyay ayaa sheegay in Wasaaradda ay la dhafar u noqon doonta Nabadda, Wacyigelinta iyo isdhexgalka bulshada si looga hortago kuwa xagjirka ah ee fikradaha qaldan dadka ku marin habaabinaya.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa tilmaamay in waaya-aragnimada Daahir Geelle ay wax badan kusoo kordhin doonto bahda Saxaafadda, isla markaana magacaabistiisa ay ku soo beegantahay xilli loo baahnaa.

Toddoaad ka hor ayey ahayd markii isku shaandheyn uu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku magacaabay Daahir Maxamuud Geelle oo 8 sano ka hor Wasiir kasoo noqday Wasaaradda Warfaafinta markaasi oo kaalin weyn uu ka qaatay dib u howlinta Warbaahinta Qaranka iyada oo lagu shaqeynayo daruuf adag.

 

Previous Post

Tababar ku saabsan Waxbarashada Madaniga ee Arrimaha Dastuurka oo ka furmay Baydhabo “SAWIRRO”

Next Post

Tartamayaasha Degmada Jilib oo caawa soo tiigsatay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Jilib oo caawa soo tiigsatay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Jilib oo caawa soo tiigsatay wareegga 3aad ee tartanka "SAWIRRO"

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

November 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gamal Maxamed Hassan, oo ay weheliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda,...

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In