Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Abaalmarinno guddoonsiiyay qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda+Sawirro

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS oo Abaalmarinno guddoonsiiyay qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda mudane, Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala ayaa agaasimeyaal iyo shaqaale ka tirsan Warbaahinta Qaranka ku  guddoonsiiyay shahaado sharaf iyo abaalmarino ay ku mudeysteen shaqada ay Qaranka u hayaan, munaasabad galabta lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, taas oo ay kasoo qeyb galeen shaqaalaha kala duwan ee Warbaahinta Qaranka.

Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha mudane Cabdiraxiin Ciise Caddow oo ugu horreyn ka hadlay munaasabadda ayaa tilmaamay in xafladaan ay tahay mid 3-dii billoodba mar ay abaalmarino siin doonaan shaqaalihii loo arko in uu howlkarnimo dheeri ah la yimid.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala ayaa u hambalyeeyay shaqaalaha ku guuleystay abaalmarinada,isagoo shaqaalaha kalane kula dardaarmay in ay dardar geliyaan shaqada Qaranka ay u hayaan,wuxuuna sheegay in abaalmarintu ay tahay mid lasiin doono qofkasta oo shaqadeeda si fiican uga soo baxda ayna berri qaadan doonaan kuwa aan maanta nasiibka u yeelan.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa shaqaalaha ku guuleystay abaalmarinada ku boggaadiyay howlkarnimadooda,isagoo kuwa kalane uga mahadceliyay shaqada ay u hayaan Qaranka,wuxuuna sheegay in ay jiraan shaqaale badan oo mudan in la abaalmariyo balse ay kala horreeyaan.

Shaqaalaha ku guuleystay abaalmarinada ayaa waxaa kamid ahaa, agaasimeyaasha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee (SONNA), mudane Cali C/qaadir Cali iyo Radio Muqdisho Codka Jahmuuriyadda Soomaaliya, Mudane Yaxye Cali Faarax oo ku mudeystay abaalmarinta, hormarinta Waaxyahooda mudaddii yareed ee ay joogeen iyo dib u dayactir ay ku sameeyeen.

Ugu dambeyntii Munaasabadda ayaa shahaado sharaf lagu guddoonsiiyay Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska,Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) taas oo uu ku mudeystay wax qabadka iyo isbedeladii uu ka sameeyay Wasaaradda.

Halkaan hoose ka akhriso magacyada wariyeyaasha la abaalmariyay

CabdiXakiin Cabdi Ismaaciil

Maxamed Xassan C/raxman

Maxamed Maxamuud Fiiddow

Axmed British

Maxamed deeq Cabdi Maxamed

Maxamed Muuse Tarsan

C/raxmaan Wadani

Maa’ido Muxudiin Dhiblaawe

Aamino xuseen maxamed

Cismaan Dhiblaawe

Sugaal Macalin Maxamuud

Previous Post

AMISOM oo Agab ciidan ku wareejisay taliska Booliska Hirshabeelle

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay duqeyn ka dhacday Sh/Hoose

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay duqeyn ka dhacday Sh/Hoose

Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay duqeyn ka dhacday Sh/Hoose

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In