Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo aqoon isweydaarsi u furay hawlwadeennada xiriirka Warbaahinta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS oo aqoon isweydaarsi u furay hawlwadeennada xiriirka Warbaahinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababarkani oo soconaya muddo saddex maalmood ah ujeedkiisuna uu yahay kor u qaadista hagaajinta xiriirka warbaahinta iyo dadweynaha ee hay’adaha Dowladdda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya 40 xubnood oo ka kala socda xafiisyada xiriirka warbaahinta ee hay’adaha Dowladda.

Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa sheegay in tababarkan diiradda lagu saarayo horumarinta hab warbaahineed ee xogta dowladda, isaga oo u mahadceliyay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo aqoon isweydaarsigani ka taageeeray Wasaaradda.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo furay tababarka ayaa tilmaamay in aqoon isweydaarsigani ahmiyad weyn siinayo wadashaqeynta iyo iskaashiga hay’adaha dowladda ee dhinaca Warbaahinta, xal u helidda caqabadaha dowladda ka haysta dhinaca baahinta iyo hab qoraalka shirarka iyo hawlaha Warfaafineed ee dowladda.

Wasiir Daa’uud ayaa intaa ku daray in tababarkani uu qeyb ka yahay qorshe Wasaaradda Warfaafinta oo kaashanaysa hay’adaha dowladda ay ku xoojinayso la falgalidda dadweynaha, fududeynta xog helidda warbaahinta iyo isku xirnaanta hay’adaha dowladda iyada oo laga fogaanayo isbarbar yaaca farriimaha dowladda lana xoojinayo farriin mideynsan, si fiican loo diyaariyay, una qaabaysan gudbinta ajandaha dowladda ee gaarista Soomaaliya nabad ah, barwaaqo ah, iskuna filan.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay La-taliyaha arrimaha dhallinyarada

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay La-taliyaha arrimaha dhallinyarada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay La-taliyaha arrimaha dhallinyarada

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In