Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo aqoon isweydaarsi u furay hawlwadeennada xiriirka Warbaahinta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS oo aqoon isweydaarsi u furay hawlwadeennada xiriirka Warbaahinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababarkani oo soconaya muddo saddex maalmood ah ujeedkiisuna uu yahay kor u qaadista hagaajinta xiriirka warbaahinta iyo dadweynaha ee hay’adaha Dowladdda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya 40 xubnood oo ka kala socda xafiisyada xiriirka warbaahinta ee hay’adaha Dowladda.

Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa sheegay in tababarkan diiradda lagu saarayo horumarinta hab warbaahineed ee xogta dowladda, isaga oo u mahadceliyay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo aqoon isweydaarsigani ka taageeeray Wasaaradda.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo furay tababarka ayaa tilmaamay in aqoon isweydaarsigani ahmiyad weyn siinayo wadashaqeynta iyo iskaashiga hay’adaha dowladda ee dhinaca Warbaahinta, xal u helidda caqabadaha dowladda ka haysta dhinaca baahinta iyo hab qoraalka shirarka iyo hawlaha Warfaafineed ee dowladda.

Wasiir Daa’uud ayaa intaa ku daray in tababarkani uu qeyb ka yahay qorshe Wasaaradda Warfaafinta oo kaashanaysa hay’adaha dowladda ay ku xoojinayso la falgalidda dadweynaha, fududeynta xog helidda warbaahinta iyo isku xirnaanta hay’adaha dowladda iyada oo laga fogaanayo isbarbar yaaca farriimaha dowladda lana xoojinayo farriin mideynsan, si fiican loo diyaariyay, una qaabaysan gudbinta ajandaha dowladda ee gaarista Soomaaliya nabad ah, barwaaqo ah, iskuna filan.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay La-taliyaha arrimaha dhallinyarada

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay La-taliyaha arrimaha dhallinyarada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay La-taliyaha arrimaha dhallinyarada

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In