Axdi laga saxiixay agaasimeyaasha waaxyaha wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, waa halbeegyada ku jira Tubaha ay wasaaradda, kuwaas oo ka soo farcamay Tubaha guud ee Xukuumadda.
Waaxda shaqaalaha ee wasaaradda iyo guddiga goob-shaqo labadaba waxaa la faray in ay shaqaalaha gaarsiiyaan fulinta Halbeegyadaan, iyada oo agaasime waaxeed walba uu Cahdi la saxiixan doono tirada shaqaale ee waaxdiisa ka howlgasha.
Shaqaalaha wasaaradda ayaa loo qeybiyey nuqullo ay ku qoran yihiin qoddobo sheegaya tilmaamayaasha shaqo ee xubinta shaqaalaha ku waajibtay.
Dowladda Soomaaliya ayaa u soo jeesatay in habka shaqo gudashada hey’adaheeda oo dhan ay noqdaan kuwa hufan, wasiirraduna uu kula xisaabtamayo Ra’iisul wasaaraha Dalka, Xasan Cali Khayre.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa xaqiijiyey in Tubaha iyo Halbeeyadooduba aysan ka imaaneyn, sharciga shaqaalaha Rayidka iyo Dastuurka KMG ah ee lagu dhaqmo.
Faa’iidooyin waa weyn ayeey ka heli doonaan shaqaalaha dowladda, sida in ay saacado cayimman shaqeeyaan, in ciddii Saacado dheeri ah shaqeysa ay heli doonto qiimeyn gaar ah iyo abaalmarinno ka dhallan doona shaqo gudashada lagu heshiiyey.
Halbeegyada axdigooda la saxiixay ayaa leh wakhti ay ka bilowdaan iyo mid ay ku dhammaadaan, taasina waxa ay suurta-gelineysaa in meesha ay ka baxdo dhaliisha la xiriirta in shaqaalaha hey’’adaha dowladda ay ka gaabiyaan shaqada, fursadna loo helo horumarinta Wasaaradaha Xukuumadda oo dhan, wasaaradda Warfaafinta, ayaa noqoneysa wasaaraddii ugu horreysay ee u howlsha hirgelinta qorshahaan.