Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Cambaareeyay Qaraxyadii Argagaxisada Al-Shabaab ay ka geysteen Muqdisho iyo Gaalkacyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geele ayaa cambaareeyay Qaraxyadii Argagaxisada Alshabaab ay maanta ka geysteen Muqdisho iyo Gaalkacyo.

 

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiir Daahir Maxamuud Geelle ayaa ugu horeyn Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay Dadkii ku nafwaayay qaraxyadaasi waxaana uu Alle uga baryay kuwa ku dhaawacmay in uu bogsiiyo.

Wasiirka ayaa bogaadiyay Ciidamada amniga oo gacanta ku dhigay dhagarqabihii waday gaariga ku qarxay Degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir kadib markii Ciidamada amniga ay ku joojiyeen Bar-kontarol oo ku taala xaafadda kaawo-godey degmada Wadajir,halkaasi oo markii dambe uu ku qarxay dad rayid ahna ay waxyeelo kasoo gaartay.

Mudane Daahir Maxamuud Geele ayaa dhan kale ku amaanay Ciidanka sida gaarka u tababaran ee Danab, Booliska iyo Nabad usgida Soomaaliya oo mid mid u toogtay dhammaan naftood haligayaasha Al-Shabaab ee doonayay inay shacab badan ku dilaan Weerarkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa Shacabka Soomaaliyeed uga mahad celiyay sida ay ula shaqeynayaan Ciidamadda Amniga, isagoo ugu baaqay inay laba jibaaraan si loo ciribtiro Cadowga beegsanaya dad aan waxba galabsan.

10-Qof uu ku jiro Wadaadka Xerada mas’uulka ka ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdiweli Cali Cilmi Yare ayaa ku geeriyooday Weerarka Argagaxisada ay Saaka ku qaadeen xeradaasi.

 

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ah ee dhaqaalaha badaha “SAWIRRO”

Next Post

Madaxda Qaranka oo ka tacsiyadeeysay dadkii ku dhintay Qaraxyadii ka dhacay Gaalkacyo iyo Muqdisho

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay dadaalka lagu dhex dhexaadinayo Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Madaxda Qaranka oo ka tacsiyadeeysay dadkii ku dhintay Qaraxyadii ka dhacay Gaalkacyo iyo Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In