Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ay wehliyaan Agaasimaha guud wasaarada Mudane C/raxmaan Yuusuf Shiikh Cadaala iyo Agaasime waaxeedyada wasaarada ayaa maanta kulan la yeeshay Agaasimayaasha Warbaahinta gaarka loo leeyahay ee dalka.
Wasiirka ayaa Agaasimiyaasha warbaahinta gaarka loo leeyahay kala hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin Difaacida danaha Qaranka,Amniga, Midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka.
Wasiir Maareeye ayaa Agaasimayaasha xusuusiyay waajibka ka saaran ilaalinta danaha qaranka iyo sida warbaahinta soomaaliyeed maanta muhiimka ugu tahay dib u dhiska dalka.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in dowlada soomaaliyeedu ogtahay caqabadaha heysta warbaahinta soomaaliyeed isla markaana dowladu ku dadaaleyso sidii looga bixi lahaa.