Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan mira dhal ah la qaatay Wasiirka Arrimaha dibadda Tanzania

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan mira dhal ah la qaatay Wasiirka Arrimaha dibadda Tanzania
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Daresalam kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Tanzania, Mudane January Makamba.

Labada Wasiir ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo baahida loo qabo in la abuuro nidaam iskaashi oo dhinacyo badan leh.

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

Mudane Daa’uud Aweys Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa Dowladda Tanzania uga mahadceliyay doorka ay ka cayaartey ansixinta xubinnimada Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee EAC, iyo tallaabada ay ugu tanaasushey in Soomaaliya ay noqoto xubinta keliya ee Bariga Afrika ka socda ee u tartamaysa kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Tanzania, Mudane January Makamba ayaa uga mahad celiyay Dowladda iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud sida ay ugula tiiraanyoodeen geeridii Madaxweynihii hore ee Tanzania Al Xaaji Sheikh Cali Xasan Mwinyi, wafdina u direen Tanzania sii uu uga qeybgalo aaska iyo tacsida hoggaamiyahaasi hore.

Mudane Makamba ayaa sidoo kale Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay dhameystirka hannaanka ku biirista Urur Goboleedka Bariga Afrika (EAC), isagoo dhanka kalena ballanqaadey in dowladdiisa ay garab istaagi doonto sidii ay Soomaaliya ula qabsan lahayd hawlaha iyo adeegyada kala duwan ee EAC.

Waxaa sidoo kale uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Tanzania xusay in dowladdiisa ay si buuxda u taageersan tahay qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Labada Wasiir ayaa ugu dambeyn ku baaqey in laga wada shaqeeyo xasiloonida gobolka, si diiradda loo saaro horumarka iyo haqabtirka adeegyada muhiimka ah ee shacabka.

 

 

 

Previous Post

Guddoomiye Abshirow oo ka qaybgalay shirweynaha 8-aad ee Midowga Baarlamaanka Ururka Islaamka

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo xayirtay malaayiin dollar oo loo waday khawaarijta

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda Soomaaliya oo xayirtay malaayiin dollar oo loo waday khawaarijta

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In