Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa cusub ee Hay’adda Horumarinta Barnaamijyada ee Qaramada Midoobay ( UNDP), Mr Lionel Laurens.
Wasiirka iyo Madaxa UNDP ee Soomaaliya ayaa ka wada hadley wadashaqeynta labada dhinac ee taageerada wacyigelinta bulshada, warbaahinta, dhaqanka iyo dalxiiska.
Mr Lionel Laurens ayaa ka mahadceliyey sida Wasiir Daa’uud Aweys ugu soo dhaweeyay xafiiskiisa.