Wednesday, January 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 hours ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa hambalyo diirran u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda warbaahinta, munaasabadda Maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed oo ku asteysan xuska taariikhiga ah ee bilowga saxaafadda iyo qoraalka Af-Soomaaliga.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in maalintan ay tahay mid xusuus gaar ah u leh ummadda Soomaaliyeed, maadaama ay ku beegan tahay soo bixitaankii wargeyskii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed, kaas oo door weyn ka qaatay faafinta aqoonta, wacyigelinta bulshada iyo horumarinta fikirka guud ee shacabka. Sidoo kale, maalintan ayaa lagu xusaa bilowgii qorista Af-Soomaaliga, taas oo saldhig u noqotay kobaca warbaahinta, waxbarashada iyo isku xirka bulshada Soomaaliyeed.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

January 20, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

January 20, 2026

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa carrabka ku adkeeyay in warbaahinta Soomaaliyeed ay door lama huraan ah ka qaadatay difaaca qaranimada, mideynta shacabka, faafinta runta iyo la dagaallanka wararka marin-habaabinta ah. Waxa uu xusay in saxaafad masuul ah ay tahay tiir muhiim u ah dimuqraadiyadda, isla-xisaabtanka iyo horumarka dowladnimo.

Wasiirka ayaa ugu baaqay bahda warfaafinta in ay sii xoojiyaan anshaxa suxufinimo, xaqiijinta xogta, iyo u adeegidda danaha guud ee ummadda, isaga oo dowladda XFS ay ka go’an tahay taageeridda xorriyadda hadalka, horumarinta xirfadaha saxaafadda iyo ilaalinta badbaadada wariyeyaasha.

Ugu dambayn, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa dhammaan wariyeyaasha, qorayaasha, tifaftirayaasha iyo guud ahaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed u rajeeyay guul, horumar iyo midnimo, isaga oo xusay in Maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed ay tahay fursad dib loogu milicsado taariikhda, loogana shaqeeyo mustaqbal warbaahineed oo hufan, wacyigelin leh, kana tarjumaya danaha shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

January 21, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa hambalyo diirran u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

January 20, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Afrax, oo ay weheliyaan Agaasimayaal, khubaro...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

January 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Cyril Ramaphosa....

Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika oo laga hirgaliyay xafiiska kaarka hay’adda NIRA

Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika oo laga hirgaliyay xafiiska kaarka hay’adda NIRA

January 20, 2026
0

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa xarun cusub ka hirgelisay Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika. Munaasabadda oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In