Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray kulanka diyaarinta qorshe hawleedka istaraatiijiyadda Qaran ee Isku xirka xiriirka Warbaahinta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray kulanka diyaarinta qorshe hawleedka istaraatiijiyadda Qaran ee Isku xirka xiriirka Warbaahinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo magaalada Muqdisho ka socday labadii maalin ee la soo dhaafay waxaa ka qeyb galay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliy, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wasiirada Warfaafinta dowlad goboleedyada,iyo Agaasimaha guud ee warfaafinta gobolka Banaadir.

Waxaa lagu falanqeeyay qorshaha lagu hirgalinayo istaraatiijiyadda isku xirka xiriirka Warbaahinta ee hay’adaha dowladdda ( National Communication Strategy), ka qeyb galayaashu ayaa si wadajir iyo koox kooxba ah uga qeyb qaatay doodaha kulanka una soo bandhigay aragtidooda ku aadan diyaarinta qorsho howleedka.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa soo dhoweeyay Wasiirada isagoo sheegay in muhiimadu ay tahay ka tashiga hirgelinta istaraatiijiyadda.

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Gobaleedka Galmudug  Abshir Cabdi Shiiqoow oo ku hadlayay afka Wasiirrada Warfaafinta ee dowlad gobaleedyada iyo Agaasinka Warfaafinta gobolka Banaadir ayaa sheegay in Wasaaradaha Warfaafinta dowlad gobaleedyada iyo Wasaaradda Warfaafinta federaalka ay ka shaqeynayaan dhameystirka higelinta qorshaha xiga si loo dhaqangeliyo Istaraatijiyadda,

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya mudane Daaud Aweys oo soo xiray shirkan ayaa ku bogaaidyay hawlwadeenada iyo qubarada Wasaaradaha  dejinta qorshe hawleedka istaraatiijiyadda Qaran ee Isku xirka xiriirka Warbaahinta oo saldhig u noqonayana hirgalinteeda oo muhiim u ah mideynta farriimaha dowladda iyo kor u qaadista wacyigalinta galinta bulshada.

Wasiirka Daa’uud ayaa u mahad celiyay mashruuca xasilinta TIS3/USAID oo taageeray diyaarinta Istaraatiijiyadda iyo kulanka lagu dejinayo qorshaha lagu hirgalinayo, sidookale waxaa uu bogaadiyay hay’adda Perspective Media oo farsamo ahaan kala shaqeysay wasaaradda qoridda Istaraatiijiyadda.

Previous Post

R/W Xamsa iyo Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo ka qeybgalay Salaadda Janaasada Marxuum Cali Ugaas

Next Post

Duqeeymo lagu burburiyay Saldhigyo ay ku sugnayeen maleeshiyaadka Khawaarijta oo laga fuliyay Jubbada Dhexe

Next Post
Duqeeymo lagu burburiyay Saldhigyo ay ku sugnayeen maleeshiyaadka Khawaarijta oo laga fuliyay Jubbada Dhexe

Duqeeymo lagu burburiyay Saldhigyo ay ku sugnayeen maleeshiyaadka Khawaarijta oo laga fuliyay Jubbada Dhexe

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In