Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray kulanka diyaarinta qorshe hawleedka istaraatiijiyadda Qaran ee Isku xirka xiriirka Warbaahinta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray kulanka diyaarinta qorshe hawleedka istaraatiijiyadda Qaran ee Isku xirka xiriirka Warbaahinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo magaalada Muqdisho ka socday labadii maalin ee la soo dhaafay waxaa ka qeyb galay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliy, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wasiirada Warfaafinta dowlad goboleedyada,iyo Agaasimaha guud ee warfaafinta gobolka Banaadir.

Waxaa lagu falanqeeyay qorshaha lagu hirgalinayo istaraatiijiyadda isku xirka xiriirka Warbaahinta ee hay’adaha dowladdda ( National Communication Strategy), ka qeyb galayaashu ayaa si wadajir iyo koox kooxba ah uga qeyb qaatay doodaha kulanka una soo bandhigay aragtidooda ku aadan diyaarinta qorsho howleedka.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa soo dhoweeyay Wasiirada isagoo sheegay in muhiimadu ay tahay ka tashiga hirgelinta istaraatiijiyadda.

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Gobaleedka Galmudug  Abshir Cabdi Shiiqoow oo ku hadlayay afka Wasiirrada Warfaafinta ee dowlad gobaleedyada iyo Agaasinka Warfaafinta gobolka Banaadir ayaa sheegay in Wasaaradaha Warfaafinta dowlad gobaleedyada iyo Wasaaradda Warfaafinta federaalka ay ka shaqeynayaan dhameystirka higelinta qorshaha xiga si loo dhaqangeliyo Istaraatijiyadda,

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya mudane Daaud Aweys oo soo xiray shirkan ayaa ku bogaaidyay hawlwadeenada iyo qubarada Wasaaradaha  dejinta qorshe hawleedka istaraatiijiyadda Qaran ee Isku xirka xiriirka Warbaahinta oo saldhig u noqonayana hirgalinteeda oo muhiim u ah mideynta farriimaha dowladda iyo kor u qaadista wacyigalinta galinta bulshada.

Wasiirka Daa’uud ayaa u mahad celiyay mashruuca xasilinta TIS3/USAID oo taageeray diyaarinta Istaraatiijiyadda iyo kulanka lagu dejinayo qorshaha lagu hirgalinayo, sidookale waxaa uu bogaadiyay hay’adda Perspective Media oo farsamo ahaan kala shaqeysay wasaaradda qoridda Istaraatiijiyadda.

Previous Post

R/W Xamsa iyo Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo ka qeybgalay Salaadda Janaasada Marxuum Cali Ugaas

Next Post

Duqeeymo lagu burburiyay Saldhigyo ay ku sugnayeen maleeshiyaadka Khawaarijta oo laga fuliyay Jubbada Dhexe

Next Post
Duqeeymo lagu burburiyay Saldhigyo ay ku sugnayeen maleeshiyaadka Khawaarijta oo laga fuliyay Jubbada Dhexe

Duqeeymo lagu burburiyay Saldhigyo ay ku sugnayeen maleeshiyaadka Khawaarijta oo laga fuliyay Jubbada Dhexe

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In