Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Kulan La Qaatay Guddiga Gaadiidlayda

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Kulan La Qaatay Guddiga Gaadiidlayda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Gaadiidka, Hawlaha Guud, Duulista Hawada, Dekedaha iyo Tamarta, ayaa maanta kulan-hawleed la qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Hawlaha Guud oo uu horkacayo Wasiirka Wasaaradda Xildhibaan Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir oo ay weheliyaan Wasiiru-dawlaha, Wasiir ku-xigeenka, Agaasimaha Guud, Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Madaxa Mashaariicda.

Kulanka oo ka qabsoomay xarunta Guddiga ee Villa Hargeisa, ayaa ku qabsoomay jawi wanaagsan. Guddoomiyaha Guddiga oo kulanka furey, ayaa ugu horreyn u mahadceliyey mas’uuliyiinta wasaaradda sida habsamida leh ee ay usoo ajiibeen kulanka loogu yeedhay. Guddoomiyaha ayaa ka hadlay hawlaha muhiimka ah ee guddiga horyaalla isla markaana xusay inay guddi ahaan diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan Wasaaradaha ay guddigani korjoogtayso. Xildhibaannada guddiga, ayaa masuuliyiintan ku adkeeyey inay soo gudbiyaan qorshe-hawleedka Wasaaradda iyo shuruucda mudnaanta gaarka ah u leh Wasaaradda si logo doodo marka kalfadhigu 2aad furmo.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Wasiirka Wasaaradda oo hadal-jeediyay Goobta ayaa yiri “ Waxay muhiimad u leedahay Wasaaradda Hawlaha Guud,Sidoo kale waxay kor u qaadaysaa, kobaca dhaqaalaha iyo Bilicda Caasimadda iyo guud ahaa dalkaba” Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, ayaa sidoo kale yiri “ Waa inay doorka guddigu door weyn ka ciyaari karaa, sidii Wasaaraddani  u noqoto mid shaqadeeda si hufan u gudata isla markaana guddigu garab ku siiyaan sidii Wasaaraddu shaqadeeda uga la soo wareegi laheyd Wasaaradaha dawladda ee sida sharci-darrada gacanta ugu haya”.

Gunanadkii Xildhibaannada Guddiga, ayaa soo jeediyey in Wasaaraddu tirakoob ku sameyso hantida ma-guurtada ah ee dawladda ee Caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan gobollada dalka. Sidoo kale, waxa aad looga hadlay boobka lagu hayo dhulka dawladda, dhulka sida sharci-darrada ah loo dhisanayo sidoo kale in la dedejiyo in dib loo sameeyo bullaacadihii (sewage) biyuhu mari jireen ee hadda aan shaqeynin.

Ugu dambeyn Guddiga iyo Wasaaradda, ayaa isla qaatay in kulan kale la isugu yimaaddo isla markaana la isla faaqido shuruucda hortabinta u leh Wasaaradda. Waxaana ay ballan qaadeen labada dhinacba in ay si hufan u wada shaqeeyaan doonaan.

 






Previous Post

Duqa Degmada Gaalkacyo Oo Furay Kalfadhiga 5aad Ee Golaha Deegaanka Degmada    

Next Post

Hay’adda Gargaarka Soomaaliya Oo Gargaar Gaarsiisay deegaanno Ka Tirsan Shabeellaha Dhexe “SAWIRRO”

Next Post
Hay’adda Gargaarka Soomaaliya Oo Gargaar Gaarsiisay deegaanno Ka Tirsan Shabeellaha Dhexe “SAWIRRO”

Hay’adda Gargaarka Soomaaliya Oo Gargaar Gaarsiisay deegaanno Ka Tirsan Shabeellaha Dhexe "SAWIRRO"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In