Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Kulan La Qaatay Guddiga Gaadiidlayda

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Kulan La Qaatay Guddiga Gaadiidlayda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Gaadiidka, Hawlaha Guud, Duulista Hawada, Dekedaha iyo Tamarta, ayaa maanta kulan-hawleed la qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Hawlaha Guud oo uu horkacayo Wasiirka Wasaaradda Xildhibaan Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir oo ay weheliyaan Wasiiru-dawlaha, Wasiir ku-xigeenka, Agaasimaha Guud, Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Madaxa Mashaariicda.

Kulanka oo ka qabsoomay xarunta Guddiga ee Villa Hargeisa, ayaa ku qabsoomay jawi wanaagsan. Guddoomiyaha Guddiga oo kulanka furey, ayaa ugu horreyn u mahadceliyey mas’uuliyiinta wasaaradda sida habsamida leh ee ay usoo ajiibeen kulanka loogu yeedhay. Guddoomiyaha ayaa ka hadlay hawlaha muhiimka ah ee guddiga horyaalla isla markaana xusay inay guddi ahaan diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan Wasaaradaha ay guddigani korjoogtayso. Xildhibaannada guddiga, ayaa masuuliyiintan ku adkeeyey inay soo gudbiyaan qorshe-hawleedka Wasaaradda iyo shuruucda mudnaanta gaarka ah u leh Wasaaradda si logo doodo marka kalfadhigu 2aad furmo.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Wasiirka Wasaaradda oo hadal-jeediyay Goobta ayaa yiri “ Waxay muhiimad u leedahay Wasaaradda Hawlaha Guud,Sidoo kale waxay kor u qaadaysaa, kobaca dhaqaalaha iyo Bilicda Caasimadda iyo guud ahaa dalkaba” Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, ayaa sidoo kale yiri “ Waa inay doorka guddigu door weyn ka ciyaari karaa, sidii Wasaaraddani  u noqoto mid shaqadeeda si hufan u gudata isla markaana guddigu garab ku siiyaan sidii Wasaaraddu shaqadeeda uga la soo wareegi laheyd Wasaaradaha dawladda ee sida sharci-darrada gacanta ugu haya”.

Gunanadkii Xildhibaannada Guddiga, ayaa soo jeediyey in Wasaaraddu tirakoob ku sameyso hantida ma-guurtada ah ee dawladda ee Caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan gobollada dalka. Sidoo kale, waxa aad looga hadlay boobka lagu hayo dhulka dawladda, dhulka sida sharci-darrada ah loo dhisanayo sidoo kale in la dedejiyo in dib loo sameeyo bullaacadihii (sewage) biyuhu mari jireen ee hadda aan shaqeynin.

Ugu dambeyn Guddiga iyo Wasaaradda, ayaa isla qaatay in kulan kale la isugu yimaaddo isla markaana la isla faaqido shuruucda hortabinta u leh Wasaaradda. Waxaana ay ballan qaadeen labada dhinacba in ay si hufan u wada shaqeeyaan doonaan.

 






Previous Post

Duqa Degmada Gaalkacyo Oo Furay Kalfadhiga 5aad Ee Golaha Deegaanka Degmada    

Next Post

Hay’adda Gargaarka Soomaaliya Oo Gargaar Gaarsiisay deegaanno Ka Tirsan Shabeellaha Dhexe “SAWIRRO”

Next Post
Hay’adda Gargaarka Soomaaliya Oo Gargaar Gaarsiisay deegaanno Ka Tirsan Shabeellaha Dhexe “SAWIRRO”

Hay’adda Gargaarka Soomaaliya Oo Gargaar Gaarsiisay deegaanno Ka Tirsan Shabeellaha Dhexe "SAWIRRO"

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In