Thursday, January 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Wasaaradda howlaha guud Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyey magaaladda dhusamareeb “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Wasaaradda howlaha guud Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyey magaaladda dhusamareeb “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi balaaran uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda howlaha guud, dib u dhiska iyo Guryeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalim ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Socdaalka Wasiirka oo ay ku wehlinayeen Mas’uuliyiin heer Federaal ah ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Galmudug Axmed Dhiblaawe Casir iyo Mas’uuliyiin kale.

Related posts

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026

Wafdiga ayaa waxaa loo galbiyay Madaxtooyada Galmudug, halkaasi oo uu kula kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ahna ku simaha Madaxweynaha, waxaana ay halkaasi isku dhaafsadeen salaan iyo is xog wareysi kooban.

Ujeedka Wasiirka Wasaaradda howlaha guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeenta ee Soomaaliya uu ku tegay Dhuusamareeb ayaa ah daah-furka Mashruuca dhismaha waddooyin iyo dib u dayactirka waddada laamiga ah, taas oo wajigeeda koowaad maanta laga dhagax dhigay magaalada Dhuusamareeb, isla markaana mitiraadkiisa koowaad ku eg yahay deegaanka Qaradhi ee Gobolka Galgaduud.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud dib u dhiska, guriyenta ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Dhiblaawe Casir oo soo dhaweyn kadib warbaahinta kula hadlay Gudaha Madaxtooyada Galmudug ayaa dul istaagay muhiimada wafdiga Wasiirka u soo saareen Galmudug ay tahay hirgelinta Mashaariic horumarineed oo laga hirgelinayo Galmudug.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda howlaha guud, dib u dhiska iyo guriyenta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalim ayaa sheegay in la daahfuri doono wajiga koowaad ee Dhismaha waddooyinka iyo dib udhiska waddada laamiga, kaasoo ka bilaaban Doona magaalada dhuusamareeb.

 

Previous Post

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo Isku Diiwaan-Geliyay Codeynta Doorasho

Next Post

Guddiga Ra’iisul Wasaare Rooble u magacaabay hubinta Xubnaha Cabashada laga muujiyay ayaa soo saaray liiska xubnahii cabashada laga muujiyay

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo goordhow gaaray Xerada Bali-doogle

Guddiga Ra’iisul Wasaare Rooble u magacaabay hubinta Xubnaha Cabashada laga muujiyay ayaa soo saaray liiska xubnahii cabashada laga muujiyay

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
0

Howlgal culus oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen nawaaxiga deegaanka Buulo-Xaaji ee...

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026
0

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee golaha Aqalka Sare ee BJFS Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ...

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

January 14, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduullaahi Cali Xersi (Timacadde), oo ay wehliyaan Wasiirada...

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

January 14, 2026
0

Waxaa magaalada Moqdisho ku soo gabagaboobay, Shirka Ka-Jawaabista Abaaraha iyo Amni-Darrada Cuntada dalka kadib dood iyo xog is-weydaarsi miro-dhal ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In