Wasiirka Wasaaradda Waxbarasha, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane, Faarax Sheekh Cabduqaadir oo ay wehliyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, marwo, Nuura Mustaf Guudow iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda mudane, Axmed Cismaan Ibraahim Daqarre, ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tegay xarunta dhexe ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa bogaadiyay adeegyada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed u hayso bulshada, isagoo u ballanqaaday inuu ka caawin doono Jaamacadda baahiyaheeda la xiriira waxbarashada, iyo sidii ay sare ugu qaadi lahayd tacliinta sare ee Dalka.