Tuesday, October 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Waxbarashada oo siminaar u furay macalimiin

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Waxbarashada oo siminaar u furay macalimiin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda  Federaalka  Soomaaliya  Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa maanta siminaar socon doona shan maalin ugu  furay magaalada Muqdisho 25 Macalimiin oo ka kala yimiid Gobollada Dalka iyo Gobolka Benaadir.

Siminaarkan ayaa lagu bixinayaa casharo la xariira maareynta iyo qorsheynta tayada heerka Waxbarashada oo la siin doono guddoonada iyo kormeerayaasha Waxbarasho ee dalka.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare Xasan Maxamed Cali ayaa kula dardaarmay  macalimiinta tababarkan qaadanaysa in ay ka faa’iideestan casharada la siinayo, ayna noqdaan kuwa u sii gudbiya ardayda ay waxbarayaan.

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa daahfuray siminaarkan, isagoo macalimiinta u rajeeyay in waxyaabaha ay ka faa’idaystaan in bulshada ay ku celin doonaan.

Dhanka kale Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan  oo ay Wehlinayeen madaxda Wasaaradda  ayaa  kormeer ku tegay Xabsiga Dhexe ee Xamar, iyadoo uu halkaasi ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Xuseen Xasan Cusmaan iyo Taliye ku xigeenkiisa.

Wasiirka Waxbarashada Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan oo uu weliyo Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa kormeerey iskuulka ay wax ku bartaan maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee Xamar, xiligaasi oo maxaabiista la siinayay cashiro la xariira taariikhda Dalka.

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa ugu deeqay dhallinyarada maxaabiista ah ee wax ku barta Iskuulka Xabsiga dhexe agab waxbarasho.

Previous Post

Garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb oo dib u dhis lagu sameynayo “Dhageyso”

Next Post

Shir dib-u-heshiisiin ah oo lagu soo gabo gabeeyay Degmada Doolow

Next Post
Shir dib-u-heshiisiin ah oo lagu soo gabo gabeeyay Degmada Doolow

Shir dib-u-heshiisiin ah oo lagu soo gabo gabeeyay Degmada Doolow

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In