Thursday, February 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo la kulmay Wasiirka Tacliinta Sare ee Masar

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa magaalada Qaahira ee Dalka Masar kula kulmay Wasiirka Tacliinta Sare iyo Cilmi Baarista dalka Masar Dr. Khaled Abdel Ghaffar.

 

Related posts

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

February 19, 2026
Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 19, 2026

Labada Masuul ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa Iskaashiga Waxbarasho ee ka dhaxeeya Labada Dal, iyadoo Wasiirka Tacliinta Sare iyo Cilmi Baarista Masar uu balanqaaday inay Ardeyda Soomaaliyeed ee deeq Waxbarasho ka hesha Masar u fududeyn doonaan Dalkugalka sida uu sheegay Wasiir Goodax.

“Waxaan kulan kula yeeshay magaalada Qaahira, Wasiirka Tacliinta Sare iyo Cilmi Baarista ee dalka Masar  Dr Khaalid Caadif waxaana ka wada hadalnay sii xoojinta xiriirka waxbarasho ee ka dhexeeya labada dal, waxaan kaloo isla soo qaadnay inay muhiim tahay inaan heshiis is afgarad aan wada saxiixano si uu mira dhal u noqdo wada shaqaynta ka dhexeysa labada wasaaradood, waxaan ka codsaday  Wasiirka sidii loogu fududeyn lahaaa  dalku galka ardayda deeqda waxbarasho ka heshay dalka Masar arrintaas oo uu ballanqaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qaban doono”.ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada XFS.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa sidoo kale u bandhigay Dr. Khaled Abdel Ghaffar in Jaamacadaha Soomaaliya iyo kuwa Masar loo abuuro jawi ay heshiisyo dhan walba ah ku galaan iyagoo la mataaneynayo.

Mudane Cabdulaahi Goodax Barre ayaa sidoo kale la kulmay Wasiirka Waxbarashada dalka Masar Dr. Daariq Showqi oo ay ka wada hadleen sidii dib u eegis loogu sameyn lahaa Heshiis hore u dhex maray Soomaaliya iyo Masar iyo inay kaalin ka qaataan tababarada macallimiinta Soomaaliyeed sida uu sheegay Wasiir Goodax.

“Waxaan kulan kula yeeshay magaalada Qaahira Wasiirka Waxbarashada dalka Masar Dr. Daariq Showqi, waxaana ka wada hadalnay in dib u eegis lagu sameeyo heshiiskii 2015 la saxiixay. Waxaan sidoo kale ka wada hadalnay xoojinta xiriirka waxbarasho ee ka dhexeeya labada dal iyo in ay kaalin ka qaataan tababarada macallimiinta Soomaaliyeed.

Wasiir Cabdulaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Casuumaad uu dalka ku imaanayo uu u fidiyay Wasiirka Waxbarashada dalka Masar si loo dhameystiro heshiisyada ay hore u gaareen Labada Dowladood.

Previous Post

Daawo+Sawirro” Banaan-bax lagu Xusayay Nabigeena Muxamed oo Maanta lagu qabtay Degmada Galiinsoor”

Next Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ka warbixiyay goobaha Al-Shabaab laga Xoreeyay “SAWIRRO”

Next Post
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ka warbixiyay goobaha Al-Shabaab laga Xoreeyay “SAWIRRO”

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ka warbixiyay goobaha Al-Shabaab laga Xoreeyay "SAWIRRO"

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

February 19, 2026
0

Madaxa xafiiska arrimaha Xajka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, Dr. Khadar Xaaji Daahir, ayaa ka warbixiyay heshiis cusub...

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 19, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

February 18, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa si rasmi ah caawa u daah-furay tartan...

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

February 18, 2026
0

Senator Xasan Iidow Muxumed Kobac ayaa deeq raashiin afur ah u qeybiyay qoysas danyar ah oo ku nool Gobolka Banaadir,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In