Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Waxbarashada XFS iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Baraawe ka dhagax dhigay iskuul lagu baran doono cilmiga badda “SAWIRRO”een ee Radio Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Waxbarashada XFS iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Baraawe ka dhagax dhigay iskuul lagu baran doono cilmiga badda “SAWIRRO”een ee Radio Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa si wada jir ah magaalada Baraawe uga dhagax dhigay iskuul lagu baran doono cilmiga badda.

Dhagax dhiga iskuulkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Mareynta musiibooyinka Soomaaliya Xamse Siciid Xamse, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  Cabdulahi Xaamud Maxamed, danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre ayaa bogaadiyay cid kasta oo gacan ka geysaneysa dhismaha iskuulkan iyo cidka bixisay dhulka laga dhisayo iskuulka.

“Waxaan u mahad celinaya qoyska reer Xamse oo  dhulkan ku deeqday, waxana maanta  nagala  jooga Wasiir Xamse, aniga shaqsiyan farxad ayay ii tahay in maanta aan u jooga in riyadii Wasiir Burci anigoo Wasiir Waxbarasho aheyn uu igala hadli jiray, sidoo kale waxaan u mahadcelinaya Madaxweyne Laftagareen, oo door muuqda ka qaatay horumarinta Waxbarashada, mudadii uu Koonfur Galbeed hadda uu joogay waxaa la hirgeliyay ilaa 7 iskuul, iskuulkan wuxuu qeyb ka yahay saddex iskuul oo lagu baranayo farsamada, kan waxaa lagu baran doonaan badda, mid lagu barto farsamada gacanta Jowhar ayaa laga dhagax dhigi doonaa, kan saddexaadna waxaa laga hirgelin doonaan Guriceel, waxana lagu baran doonaa cilmiga xoolaha”ayuu yiri Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta gareen ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ahmiyadda koowaad ay siinayaan horumarinta waxbarashada.

“Mudane wasiir waan kaga mahad celineyna sida aad uga war qabto dowlad goboleedka Koonfur Galbeed baahiyaha dhanka waxbarashada ee ka jira, anaga ka dowlad goboleed ahmiyadda koowaad waxaa noo ah waxbarashada si jahliga looga saaro dadka, waxana u mahad celinaya qoyska reer Xamse, allaha unaxariiste wasiir Burci oo dadaal badan ku bixin jiray horumarinta bulshada Soomaaliyeed,  kuwa heysa dhulka waxbarashada waxaan leenahay baneeya”ayuu yiri madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa dadaal ugu jira sidii dalka looga hirgelin lahaa iskuullo waxbarasho oo dhalinyarada Soomaaliyeed lagu baro xirfado ay ku shaqeystan, si nolosha reerkooda ay u kaafiyaan

Previous Post

Shahaado Sharaf la Guddoonsiiyay Haweenka Howlaha Guud ka qabtay Madaxtooyada Qaranka

Next Post

 Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo sharxay mashaariicda laga hirgelinayo Baraawe “Dhageyso”

Next Post
Wasiirka Waxbarashada XFS iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Baraawe ka dhagax dhigay iskuul lagu baran doono cilmiga badda “SAWIRRO”een ee Radio Muqdisho

 Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo sharxay mashaariicda laga hirgelinayo Baraawe “Dhageyso”

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In