Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Waxbarashada XFS oo daah furay mashruuc kor loogu qaadayo xirfadda farsamada gacanta

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Waxbarashada XFS oo daah furay mashruuc kor loogu qaadayo xirfadda farsamada gacanta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga daah furay mashruuc kor loogu qaadayo xirfadda farsamada gacanta.

 

Munaasabadda daah furka  barnaamijkaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka qorsheynta Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xassan, danjiraha Jarmalka, ee dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Seychelles  Ambassador, Annett Guenther, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Mudane Saalax Jaamac,  guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, iyo  Xoghayaha wasaaradda waxbarashada Axmed Yuusuf Xassan.

Mashruucan ayaa waxaa ku baxaya lacag dhan 13 Milyan oo Yuro, waxana sideed ka mid ah bixinaya midowga Yurub halka shanta kalana ay bixineyso dowladda Jarmalka.

“Maanta waxaan si rasmi ah u daah furay mashruuc loogu talo galay in lagu kobciyo aqoonta xirfadleyda  farsamada gacanta, mashruucan ayaa waxaa ku baxaya lacag dhan 13 Milyan oo Yuro sideed ka mid ah waxaa bixinaya midowga Yuru halka shanta kalana ay bixinayaan Jarmalka”ayuu yiri wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee dalka.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in mashruucan uu soo saari , doonaa 3000 kun oo ruux, muddo gaban,  isagoo sheegay in laga hirgelin doono guud ahaan dalka gaar ahaan meelaha dadka ku badan yihiin.

“Mashruucan wuxuu ka hirgeli doonaa dhammaan gobollada dalka, qaasatan meelaha dadka ku badan yihiin, arrintan waa mid wanaagsan islamarkana baahi weyn loo qabay, mashruucan hadii aan ku guuleysano, waxaa hirgeli doono mashaariic kale”ayuu yiri Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa maalin ka hor sidan  oo kale daah furay mashruuc lagu horumarinayo waxbarashada dalka..

Previous Post

Ciidanka Xoogga dalka oo khasaare lixaad leh gaarsiiyey  Argagixisada Al-shabaab

Next Post

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dawladda Kenya

Next Post
Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dawladda Kenya

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dawladda Kenya

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hagaajinta...

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

December 15, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u...

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

December 15, 2025
0

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In