Saturday, October 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka waxbarashada XFS oo Koonfur Africa kula kulmay wasiirada waxbarashada sare iyo tababarada dalkaasi+sawiro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka waxbarashada XFS oo Koonfur Africa kula kulmay wasiirada waxbarashada sare iyo tababarada dalkaasi+sawiro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
Wasiirka waxbarashada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Goodax Barre ayaa magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa waxaa uu kulan iskaashi ah kula qaatay dhigiisa dalka Koonfur Africa wasiirada waxbarashada Sare iyo tababarada Ms Grace Naledi Mandisa Pandor.
Kulanka oo qaatay saacado badan ayaa labada dhinac waxaa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka waxbarasho ee u dhaxeeyay dowlada Soomaaliya iyo Koonfur Africa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga wasaaradaha iyo in la dhameystiro heshiisyada waxbarashada ee labada dowladood.
waxaa sido kale labada dhinac kulankooda ay ku lafa gureen in la is dhaafsado lana kala faa’iideysto iskuulada farsamooyinka gacanta iyo sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta xirfadlayaasha gacanta ku xamaasha iyo sido kale goobaha taciinta wasare iyo ka wada shaqeynta cilmi baarista iyo Tiknaloojiyada casriga ah.
Wasiirad Ms Grace Naledi Mandisa Pandor oo marka uu kulanka soo dhamaaday kadib la hadashay warbaahinta ayaa xustay in Soomaaliya ay tahay dal dib u soo dhisamaya dhinacyada waxbarashada.
“Soomaaliya hada waxaa ay ku jirtaa hanaankii dib u dhiska dalka iyo dimoqraadiyada,iyo hey’adaha kale ee dadweynaha,Soomaaliyana waa ay na saaciday xilligii adkaa ee gumeystaha dalkeena ee dhibaatada aan ku jirnay ,anaga waa in aan kaalinteena  kasoo dhalaalnaa wada shaqeynta iyo caawinta walaalaheena Soomaaliya “
Wasiirka waxbarashada xukuumada Soomaaliya Mudane C/laahi Goodax barre oo dhankiisa la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wasiirada waxbarashada sare iyo tababarada dowlada Koonfur Afrika ay isla garteen in la iska kaashado waxbarashada sare iyo cilmi baarista dhawaan ay dalka tagi doonaan khubaro ka socda wasaarada waxbarashada Iyo tababarada sare si ay u qaabeeyaan dhameystirka heshiisyada iyo fulinta waxa ay isla garteen labada wasaaradood.
C/llaahi Maxamuud Amiin(Qorshe)
xigasho: SONNA
Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Xukuumadda Soomaaliya oo Habraac u sameysay Heshiisyada

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo si kulul u cambaaraysay weerarkii argagaxiso ee Nairobi

Xukuumadda Soomaaliya oo Habraac u sameysay Heshiisyada

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In