Thursday, November 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS oo shir guddoomiyey shir lagu ansixinayey Siyaasadda dhuxusha Qaranka Soomaaliya+Sawirroa

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS oo shir guddoomiyey shir lagu ansixinayey Siyaasadda dhuxusha Qaranka Soomaaliya+Sawirroa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo u jeedkiisu ahaa ansixinta Siyaasadaย  dhuxusha soomaaliya ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya oo kaashaneysa heyโ€™adda UNEP, waxaana diirada lagu Saaray sidii la isaga kaashan lahaa joojintaย  jaridda iyo dhoofinta dhuxusha oo laga dhaxlo nabaadguur sababa abaaro iyo musiibooyin dabiici ah, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseenย  , Wasiirada Bii’ada eeย  Maamul Goboleedyada, Xubno ka socday xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha ย oo uu ka mid ahaa Agaasimaha Biiโ€™ada ee Xafiiska Raiiโ€™sul Wasaarahaย  , Aqoonyahano , Iskaashatooyinka dhuxusha, , Haweenka ka ganacsada Dhuxusha iyo marti sharaf kale.

Qaar ka mid ah Aqoonyahanada iyo Qubarada shirka ka qeybgalay ayaa soo bandhigay xogo iyo tusaalooyin ku saabsan dhibaatada nabaad guurka, iyadoo dhinaca kale Wasiirada Maamul Goboleedyada iyo Agaasimaha Biiโ€™ada ee Xafiiska Raiiโ€™sul Wasaaraha ay ku dheeraadeen ka hadalka cawaaqib xumada ka dhalan karta hadaan laga hortagin xaalufinta dhirta.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ฒ ๐š๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐ž ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐€๐๐ž๐ž๐ ๐ฒ๐š๐๐š ๐Œ๐ข๐๐ž๐ฒ๐ฌ๐š๐ง (๐‡๐š๐ฅ๐ฆ๐ž๐ž๐ฅ)

November 4, 2026
XIL-KA QAADIS IYO MAGACAABIS GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE EE DALKA

XIL-KA QAADIS IYO MAGACAABIS GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE EE DALKA

November 4, 2026

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseenย  oo Shirka furay Ayaa sharaxay u jeedada laga leeyahay ansixinta siyaasadda dhuxusha Qaranka soomaaliya oo laga shaqeenayey muddo halsano ah, wuxuuna tilmaamay in sharcigan uu horseedi doono yareynta dhibaatada deegaaneed ee ka dhalata jaridda dhirta sida Xaalufinta ,Nabaad guurka isbadalka cimiladda iyo daadadka.

Dhinace kale Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliyaย  ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku dadaashay sidii looga hortagi lahaa xaalufinta dhirta oo uu sheegay in ay dhibaatooyin badan xambaarsantahay.

Siyaasada dhuxusha Qaranka Soomaaliya ayaa loo gudbin doonaa golaha Wasiiradda Soomaaliya, Iyadoo ay xusid mudantahay in Heyโ€™adda Qaramada Midoobay ay ย horey usoo saartay Qaraar ay ku mamnuucday ka ganacsiga iyo dhoofinta Dhuxusha Soomaaliya.

Siyaasadda Dhuxusha

  • Waxa ay dalka ka anfacaysaa in la joojiyo dhuxusha laga dhoofiyo Dalka
  • Waxa kale oo ay ka caawinaysaa dalka in la nidaamiyo soo saaridda, safrinta gudaha iyo isticmaalka dhuxusha
  • Waxa kale oo ay ka caawinaysaa in la helo ilo kale oo tamareed oo yareeya soo saaridda dhuxusha.
  • Siyaasadda dhuxushu waxa kale oo ay dalka ka caawinaysaa in dadka ku hawlan soo saaridda iyo ka ganacsiga dhuxusha loo helo ilo kale oo nololeed.
  • Siyaasaddan waxa kale oo ay keenaysaa in la yareeyo dhibaatooyinka degaaneed ee ka dhasha jarista dhirta ,sida xaalufka dhirta, nabaadguurka iyo daadadka.
  • Siyaasaddan waxa kale oo ay qeyb ka qaadanaysaa yareynta saasmeynta isbeddelka cimilada, helitaanka calafka xoolaha ,quruxda dhulka iyo ilaalinta jiritaanka Noolaha kala duwan.
Previous Post

Wasiirada Warfaafinta Heer Fedaraal Iyo kuwa Dowlad Goboleedyada oo Kullan la Yeeshay Hayโ€™adaha Daneeya Warbaahinta.

Next Post

Dowladda Soomaaliya Oo Horumarin Ku Sameysay Adeegyada Caafimaad Ee Isbitaalka Banaadir+sawirro

Next Post
Dowladda Soomaaliya Oo Horumarin Ku Sameysay Adeegyada Caafimaad Ee Isbitaalka Banaadir+sawirro

Dowladda Soomaaliya Oo Horumarin Ku Sameysay Adeegyada Caafimaad Ee Isbitaalka Banaadir+sawirro

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ฒ ๐š๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐ž ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐€๐๐ž๐ž๐ ๐ฒ๐š๐๐š ๐Œ๐ข๐๐ž๐ฒ๐ฌ๐š๐ง (๐‡๐š๐ฅ๐ฆ๐ž๐ž๐ฅ)

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ฒ ๐š๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐ž ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐€๐๐ž๐ž๐ ๐ฒ๐š๐๐š ๐Œ๐ข๐๐ž๐ฒ๐ฌ๐š๐ง (๐‡๐š๐ฅ๐ฆ๐ž๐ž๐ฅ)

November 4, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay agaasime ku-xigeenka Xarunta Adeegyada Mideysan (Halmeel). Mudane Xamsa oo cuskanaya...

XIL-KA QAADIS IYO MAGACAABIS GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE EE DALKA

XIL-KA QAADIS IYO MAGACAABIS GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE EE DALKA

November 4, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka, Dr. Baashe Yuusuf...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐š๐ฅ๐ค๐ข๐ข ๐ค๐š ๐ช๐š๐š๐๐š๐ฒ ๐ฑ๐ฎ๐›๐ง๐จ ๐ค๐š ๐ญ๐ข๐ซ๐ฌ๐š๐ง ๐ฑ๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐‰๐…๐’

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kadib markii uu arkay qodobka 120-aad, farqadiisa 2-aad iyo qodobka...

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo la kulmay Dr. Rurik Marsden

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo la kulmay Dr. Rurik Marsden

November 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Dr. Rurik Marsden, Ku-xigeenka Agaasimaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In