Aqoon is weedaarsigan oo ku saabsanaa dib u eegista istaraatiijiyadda u adkeysiga abaaraha iyo Musiibooyinka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya, wakiilo ka socday urur-goboleedka IGAD iyo xubno ka socday qaar ka mida Wasaaradaha dowldda Soomaaliya.
Siminaarkan oo ay ka qeyb galayaashu isku weedaarsadeen fikrado iyo tusaalooyin ku saabsan qaabka ugu haboon ee la isaga kaashan karo yareenta iyo u adkeysiga abaaraha iyo sida loo horumarin karo dhaqaalaha dalka ayaa waxaa ugu horeyn daah furay Wasiirka Xanaanada, Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xuseen Maxamud Sheekh Xuseen, wuxuuna xusay in loo baahanyahay in lala yimaado qorshe cad oo abaraha looga gaashaaman karo, si dalka loo gaarsiiyo isku filnaansho iyo iskutashi dhameystiran.
Natiijooyinka kasoo baxa aqoon is weedaarsigan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo kaashaneysa Urur goboleedka IGAD ayey ka qeybgalayaashu ula noqon doonaan wasaaradaha ay ka socdaan si loo sameeyo siyaasad mideysan oo looga gaashaaman karo abaaraha iyo Musiibooyinka dalka ka dhaca.