Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Oo Lagu Wareejiyay Dhismaha Xarunta Ay Ku Shaqeyn Lahaayeen

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Oo Lagu Wareejiyay Dhismaha Xarunta Ay Ku Shaqeyn Lahaayeen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhismahan oo ka kooban qeybo kala duwan una badan xafiisyo, ayaa maanta lagu wareejiyey Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dowlad Gobaleedka Galmudug, kadib munaasabad kooban oo ay ka qeyb galeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal, Wasiirka Wasaaraddaasi Mudane Maxamed Cabdi Maxamed iyo u qeybsanaha Mashruucan ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (Aadan Xuseen Cige).

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Xafiisyada cusub ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Galmudug, ayaa lagu dhisey Barnaamijka ILED oo qeyb ka ah Mashruuca RAAISE ee fulintiisa ay laheyd Hey’adda FAO ee Qaramada Midoobay, Isla munaasabadaan, ayaa sidoo kale lagu wareejiyey qeybta sheybaarka Xoolaha ee Wasaaradda oo ay dhisme iyo qalabeynba uu ku sameeyey Mashruuca Biyoole ee Galmudug.

Aadan Xuseen Cige uu qeybsanaha Mashruucan ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in marxalado kala duwan uu soo maray mashruucan.

Maxamed Cabdi Maxamed Wasiirka Xanaanada Xoolaha Galmudug ayaa dhankiisa uga mahadceliyey dhinacyada gacanta ka siiyey Wasaaradda yagleelida xafiisyadan cusub, ayna diyaar u yihiin inay ugu adeegaan bulshada.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa xusey in dhismaha iyo dardar galinta howlaha Wasaaradda ay qayb ka yihiin mudnaanta Galmudug ay siineyso horumarinta Xoolaha oo ah isha koowaad ee Dhaqaalaha Galmudug, isagoo kula dardaarmay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha inay dardargeliyaan waajibaadka loo igmaday.

Previous Post

Madaxweynaha Hirshabelle Oo Gaaray Degmada Matabaan

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo Gaaray Magaalada Beledweyne Ee Gobolka Hiiraan

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo Gaaray Magaalada Beledweyne Ee Gobolka Hiiraan

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo Gaaray Magaalada Beledweyne Ee Gobolka Hiiraan

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In