Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo shir caalami ah uga qeyb galay dalka Ivory Coast “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo shir caalami ah uga qeyb galay dalka Ivory Coast “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Ururka Caalamiga ah ee caafimaadka xoolaha (OIE), Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada iyo beeraha (FAO) iyo Ururka Midowga Afrika u qaabilsan dhanka caafimaadka xoolaha (AU-IBAR) ayaa lagu qabtay magaalada Abidjan ee xarunta dalka Ivory Coast.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxa FAO  Jose Graziano da Silva, Madaxa OIE Dr. Bernand Vallat, Madaxa AU-IBAR Dr. Ahmed Al-sawalhy iyo Wasiirada Xanaanada Xoolaha ee dalalka Africa iyo Asia, iyadoo kulanka uu furay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Ivory Coast  H.E Mr Daniel Kablan Duncan, waxaana Madaxda ka qeyb gashay ay gaarayaan ilaa iyo 70-dal oo ay hormuud ka haayeen Wasiirada Xanaanada Xoolaha.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026

Soomaaliya waxaa shirka uga qayb wafdi balaaran oo uu hogaaminayay Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Mudane Siciid Xuseen Ciid oo ay weheliyaan Agaasiimaha Caafimaadka Xoolaha Wasaarada Dr. Axmed Cabdi Geeddi,Drs. Xabiiba Sheekh Xasan, Drs.Nuurta Sheekh Maxamud, Dr.Maxamed Cabdi Rooble iyo Kaaliya Wasiirka Liibaan Xasan Xaaji.

Madaxa FAO Jose Graziano da Silva ayaa shirka ka sheegay in Soomaaliya ay horumar weyn ka sameysay talaalka xoolaha iyo ka hortagga cudurada ku dhaca xoolaha, isago tallaabadaasi ku tilmaamay intahay mid horumar ah.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Soomaaliya ayaa kulamo gaar gaar ah goobta Shirka kula yeeshay Madax kala duwan oo ay ugu horeeyaan Madaxda FAO iyo OIE  oo si weyn  uga wada hadleen sidii loo sii balaarin lahaa kaalmada Hey’adaha Caalamiga ah ku bixiyaan horumarinta Caafimaadka Xoolaha iyo Mashaariicda la xiriirta, waxay ku gaareen heshiis weyn, iyadoo lagu ballamay in la kordhiyo mashaariicda ay ka wadaan Soomaaliya,

Sidoo kale Wasiirku waxa uu halkaas kulamo muhiim ah kula yeeshay madax ka socota Bankiga Adduunka qaynta Xoolaha, Bankiga Afirka ee Horumarinta iyo Wakiilada Wadamada aan la wadaagno xiriirka Ganacsiga iyo isdhaafsiga khibradeed.

Waxaa kale oo Wasiirku si gaar ah isku arkeen wafuud ka socotay dalalka Suudaan,Cumaan, Muritaaniya, Liibiya, Masar, Moroco, DRC, Ugandha,Turkiga iyadoo dhamaan ay ka wada hadleen iskaashiga dalalkaas iyo Soomaaliya.

Gabagabadii Shirka waxaa laga soo saaray bayaan lagu xoojinayo la dagaallanka Cudurka PPR oo lagu heshiiyay in 15-ka sano ee soo socota laga cirib tiro adduunka, cudurkaani waxuu ku dhacaa ariga iyo idaha, waxaana uu khatar ku hayaa boqolaal Milyan oo qoys oo noloshoodu ku xiran tahay dhaqashada ariga, taasoo hadaan laga hortagin khatar ku ah cuntada iyo nafaqada dadweynaha aduunka, Soomaaliya si gaar ah ayaa loo aqoonsadey inay tahay goob muhiim ah oo laga ciribtiri karo cudurkaas halista ah.

Madaxa Xafiiska Warfaafinta Wasiirka  X.Xoolaha

IMG_0261 IMG_0272 IMG_0282 IMG_9003 ministris sudan1

Previous Post

Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka Ximan iyo Xeeb oo tababar loo furay “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In