Sunday, October 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo furay mashruuca talaalka xanuunka Sambabka Ariga.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo furay mashruuca talaalka xanuunka Sambabka Ariga.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Masharuucaan oo Cudurada Sambabka ku dhaca looga talaali doonaa In ka badan 14 milyan oo Ari ah, oo ku dhaqan guud ahaan dalka, ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya, waxaana ka qeybgalay Wasiirada Xanaanada Xoolaha ee heer Federaal iyo heer maamul goboleed, Masuuliyiin ka socday xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Ururada ka shaqeeya Xanaanada Xoolaha ,dhaqaatiir iyo marti sharaf kale.

Qaar kamida masuuliyiinta ka qeyb barnaamijka ayaa sheegay In uu talaalkan muhiim yahay, islamarkaana loo baahanyahay in ay ka faaii’deystaan xoolo dhaqatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka oo dhan, si loo helo xoolo caafimaadkoodu dhameystiranyahay.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo mashruuca daahfuray, Ayaa ku dheeraaday ka hadalka qiimaha ay xoolaha u leeyhiin dhaqalaha dalka, Wuxuuna tilmaamay in mashruucaan uu muhiimad gaara u leeyahay xoolaha iyo dadka intaba maadaama talaalka uu ka hortagayo cuduro badan oo ku dhaca xoolaha oo ay dadka Soomaaliyeed cuno iyo ganacsiba u isticmaalaan.

Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen wasiirka Xanaanda Xoolaha Soomaaliya ayaa dhinaca kale xusay in uu korar ku yimid dhoofinta xoolaha Soomaaliya, islamarkaana sanadkaan la dhoofiyay In kabadan Saddex milyan oo neef, hadana ay qorsheenayaan in ay sare u qaadaan dhoofinta xoolaha oo sanadkaan la gaarsiin doono ku dahawaad Shan Milyan oo neef, maadama ay dalal badan oo ay ka midyihiin Cumaan iyo Qatar ay diyaar u yihiin in ay qaataan xoolaha Soomaaliya oo dhameystiray shuruudihii looga baahnaa.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya, ayaa dadaal ugu jirta sidii Xoolaha Soomaaliya looga ciribtiri lahaa cudurada qatarta ah ee ku dhaca, si loo helo Xoolo caafimaadkooda la isku haleyn karo oo loo iibgeeyo dalalka kala duwan ee caalamka, taas oo qeyb weyn ka qaadan doonta kobaca dhaqaale ee dalka.

Previous Post

Kenya oo ka hotagtay weerar al-Shabaab ay ku qaadeen gobolka Lamu

Next Post

Madaxweyanaha Hir-Shabelle oo Buulo Burde u tagay xal u helida, Tabashooyin halkaasi ka jira.

Next Post
Madaxweyanaha Hir-Shabelle oo Buulo Burde u tagay xal u helida, Tabashooyin halkaasi ka jira.

Madaxweyanaha Hir-Shabelle oo Buulo Burde u tagay xal u helida, Tabashooyin halkaasi ka jira.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-calameyn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Alcalamayn–Afrika, oo...

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
0

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarun koronto...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In