Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga oo ku geeriyooday Nairobi

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga oo ku geeriyooday Nairobi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ilaahay naxariista janno haka waraabiyo waxa magaalada Nairobi ku geeryooday Wasiirkii hore ee Gaashaandigga Soomaaliya Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr.

Marxuum Cabdiraxmaan wuxuu jagooyin kala duwan ka soo qabtay ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, sida Taliyihii qeybta 60-aad ee Baydhabo, madaxa howlgelinta ciidanka Qaranaka, milatari ataajiiga Soomaaliya ee Ciraaq iyo Mareykanka, madaxa xiriirka Arrimaha Dibadda ee Wasaaradda Gaashaandhiga, Xildhibaan iyo Wasiir Gaashaandhiga.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Madaxda Dawladda Federaalka ayaa tacsi gaar ah u diray ehelkii, asxaabtii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeryooday Jeneraal Cabdiraxmaan Cali-bayr.

Marxuum Cabdiraxmaan wuxuu ku dhashay magaaladda Laas Qoray ee  Gobolka Sanaag sanadkii 1935. Marxuumku wuxuu waxbarashadiisii militariga ku soo qaatay wadamada Masar iyo dawladii hore ee Midowga Soofiyeet-ka (dalka Ruushka) oo laba jeer waxbarasho militari loogu diray.

Wuxuu kaloo waxbarsho la xiriirta militariga ku qaatay dalka Mareykanka. Marxuum Cabdiraxmaan wuxuu ka qeyb galay dagaalkii 1964 oo uu ku dhawaacmay, biladna lagu siiyey. Alle ha u naxariisto Jeneraal Beyr.

 

Previous Post

Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS oo shir kaga qeyb galay magaalada Qaahira+Sawirro

Next Post
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS oo shir kaga qeyb galay magaalada Qaahira+Sawirro

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS oo shir kaga qeyb galay magaalada Qaahira+Sawirro

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In