Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro iyo Xildhibaanno ka qeyb galay Nabadoon lagu caleemo saaray Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
DAAWO-Banaanbax looga soo horjeedo Sawir Gacmeedyo lagu aflagaadeeyay Nabi Muxamed NNKH oo Muqdisho lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu caleemosaarayay nabadoon ka mid ah Nabadoonada Soomaaliyeed, kaasi oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Nabadoon Xaaji Axmed Maxamed Calasow oo ka mid ah Nabadoonada Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska, Wasiiru-dowladaha arrimaha Gudaha, qaar kamid ah Ra’iisul wasaarayaashii soo maray dalka xilligii KMG ah, Xildhibaanno, Ururrada haweenka iyo marti sharaf kale, waxaana goobta lagu soo bandhigay suugaan ka turjumeysa qiimaha ay dhaqanka u leedahay bulshada.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026

Nabadoon Xaaji Axmed Maxamed Calasow oo ah Nabadoonka la caleemo saarayay ayaa Alle uga baryay in Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan isu keeno oo ay noqdaan dad ka wada shaqeeya danta guud ee dalka.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa Nabadoonka ku boorisay in uu guto xilka loo idmaday ee ah ka shaqeynta midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Ismaaciil Hurre Buubaa oo mar soo noqday Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa isna dhankiisa xusay inuu soo dhaweynayo, isla markaana uu kula dar daarmay in bulshada ay ka dambeeyaan dadka u ah Madax dhaqameedka.

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr oo isna kulanka ka hadlay ayaa Nabadoonka u rajeeyay in uu Alle gacan ku siiyo duubka loo caleemo saaray.

Nuur Xasan Xuseen (Nuur-Cadde) iyo Cali Maxamed Geeddi oo horey Ra’iisul wasaarayaal ka soo noqday Soomaaliya, xilligii KMG ah ayaa Nabadoonka ugu baaqay in uu gacan ka geysto sidii dib loo soo nooleyn lahaa dhaqankii soo jireenka ahaa ee ay Soomaalidu lahayd.

“Waxaan rabnaa in maanta loo aqoonsado maalinta dhaqanka, isla markaana dhiiri geliyo, waxaan ka rajeyneynaa in uu ka shaqeyn doono dib u nooleynta dhaqanka”

Xildhibaan Cumar Maxamed Maxamuud ayaa xusay in uu aad ugu faraxsanyahay ka qeybgalka xafladda lagu caleemo saarayo nabadoon ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee dega Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in Wasaaradda arrimaha gudaha ay waddo qorshe lagu kala saarayo Nabadoonada Saxda ah iyo kuwa aan saxda ahayn.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa odoyaasha dhaqanka ka dalbaday inay la shaqeeyaan dowladda, isla markaana ay gacan ka geystaan sidii bulshada looga wacyi gelin lahaa, dhibaatada ay kooxaha argagixisadu ku hayaan,

 

 

Previous Post

Maxkamadda sare ee ciidamada oo xukun ku riday askar ka tirsan ciidanka xoogga

Next Post

Maaxweynaha oo canbaareeye qaraxi shaqalaaha UN-ka lagula beegsaday Garowe.

Next Post
Shirkii amniga ee Urdun oo lagu taageeray dardargelinta nabadgelyada Soomaaliya

Maaxweynaha oo canbaareeye qaraxi shaqalaaha UN-ka lagula beegsaday Garowe.

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In