Thursday, April 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro iyo Xildhibaanno ka qeyb galay Nabadoon lagu caleemo saaray Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
DAAWO-Banaanbax looga soo horjeedo Sawir Gacmeedyo lagu aflagaadeeyay Nabi Muxamed NNKH oo Muqdisho lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu caleemosaarayay nabadoon ka mid ah Nabadoonada Soomaaliyeed, kaasi oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Nabadoon Xaaji Axmed Maxamed Calasow oo ka mid ah Nabadoonada Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska, Wasiiru-dowladaha arrimaha Gudaha, qaar kamid ah Ra’iisul wasaarayaashii soo maray dalka xilligii KMG ah, Xildhibaanno, Ururrada haweenka iyo marti sharaf kale, waxaana goobta lagu soo bandhigay suugaan ka turjumeysa qiimaha ay dhaqanka u leedahay bulshada.

Related posts

Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka

Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka

April 22, 2026
Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

April 22, 2026

Nabadoon Xaaji Axmed Maxamed Calasow oo ah Nabadoonka la caleemo saarayay ayaa Alle uga baryay in Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan isu keeno oo ay noqdaan dad ka wada shaqeeya danta guud ee dalka.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa Nabadoonka ku boorisay in uu guto xilka loo idmaday ee ah ka shaqeynta midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Ismaaciil Hurre Buubaa oo mar soo noqday Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa isna dhankiisa xusay inuu soo dhaweynayo, isla markaana uu kula dar daarmay in bulshada ay ka dambeeyaan dadka u ah Madax dhaqameedka.

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr oo isna kulanka ka hadlay ayaa Nabadoonka u rajeeyay in uu Alle gacan ku siiyo duubka loo caleemo saaray.

Nuur Xasan Xuseen (Nuur-Cadde) iyo Cali Maxamed Geeddi oo horey Ra’iisul wasaarayaal ka soo noqday Soomaaliya, xilligii KMG ah ayaa Nabadoonka ugu baaqay in uu gacan ka geysto sidii dib loo soo nooleyn lahaa dhaqankii soo jireenka ahaa ee ay Soomaalidu lahayd.

“Waxaan rabnaa in maanta loo aqoonsado maalinta dhaqanka, isla markaana dhiiri geliyo, waxaan ka rajeyneynaa in uu ka shaqeyn doono dib u nooleynta dhaqanka”

Xildhibaan Cumar Maxamed Maxamuud ayaa xusay in uu aad ugu faraxsanyahay ka qeybgalka xafladda lagu caleemo saarayo nabadoon ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee dega Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in Wasaaradda arrimaha gudaha ay waddo qorshe lagu kala saarayo Nabadoonada Saxda ah iyo kuwa aan saxda ahayn.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa odoyaasha dhaqanka ka dalbaday inay la shaqeeyaan dowladda, isla markaana ay gacan ka geystaan sidii bulshada looga wacyi gelin lahaa, dhibaatada ay kooxaha argagixisadu ku hayaan,

 

 

Previous Post

Maxkamadda sare ee ciidamada oo xukun ku riday askar ka tirsan ciidanka xoogga

Next Post

Maaxweynaha oo canbaareeye qaraxi shaqalaaha UN-ka lagula beegsaday Garowe.

Next Post
Shirkii amniga ee Urdun oo lagu taageeray dardargelinta nabadgelyada Soomaaliya

Maaxweynaha oo canbaareeye qaraxi shaqalaaha UN-ka lagula beegsaday Garowe.

Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka

Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka

April 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay Madasha Qaran ee Isku Duwidda Xasilinta ayaa...

Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

April 22, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa Talaadadii ka...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

In ka badan 30 ka tirsan Khawaarijta oo howlgallo lagu dilay

April 21, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu dilay in ka badan...

Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

April 21, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu dadweynaha ku wargelinayaa in xogta rasmiga ah ee la xiriirta howlaha baarista, hantidhowrista,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In